4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 14, 2017
Shirka madasha wasiirradda dastuurka dowlad dhexe iyo maamul gobolleedyada oo Muqdisho ka furmay


Axad, May, 14, 2017 (HOL) - Shirka madasha wasiirrada arrimaha dastuurka dowladda dhexe iyo maamul gobolleedyada dalka ka jira oo socon doona muddo saddex cisho ah ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha gollaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa si rasmi ah u furay shirka, waxaana ka soo qaybgalay wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda federaalka, guddiga madaxa-banaan ee dib u eegista dastuurka, iyo wasiirada maamul goboleedyadda dalka ka jira.

Wasiirka wasaaradda Avv Cabdi Xoosh oo shirka ku soo dhaweeyay martida ayaa sheegay in wasaaradda ay ka go’antahay in dastuurka lagu dhameeystiro waqti go’an iyada oo la sameeynayo wadatashiyo ballaaran.

‘’Haddii shalay dhaliishu aheyd ajnabi ayaa qeyb ka ahaa qorista dastuurka, maanta waxaan rabnaa in aan annaga gacanteena ku sameysano mid ay Soomaali leedahay’’ ayuu yiri wasiirka.

Gudoomiyaha golaha shacabka oo si rasmi ah u furay shirka ayaa ku amaanay wasiiirka iyo shaqaalaha wasaaradda sida ay u dardargelinayaan hawlaha wasaaradda.

Ugu dambeyn, shirkan saddex maalin socon doona ayaa wuxuu muhiim u yahay sidii wadatashiyada ay wasaaraddu sameeyneyso loo gaarsiin lahaa maamul gobolleedyada dalka, waxaana laga soo saari doonaa war-murtiyeed xoojiya wadashaqeeynta ka dhaxeeysa wasaaradda iyo wasaaradaha maamul gobolleedyada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]