4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 14, 2017
Roobab sababay dhimashada shan ruux oo ka da’ay deegaannada Puntland

 Axad, May, 14, 2017 (HOL) - Roobab xooggan ayaa ka da’ay deegaannada Puntland, waxaana roobabkaasi ay sababeen dhimashada illaa shan qof, sidoo kalena daadadka ka dhashay roobabku waxay hakad geliyeen isu-socodka gaadiidka.

Roobabkan oo watay daadad ayaa waxaa ay sababeen dhimashada illaa Shan qof, sidoo kalana daadadka ka dhashay roobabka waxay hakad geliyeen isu socodka gaadiidka.

Masuuliyiinta maamulka Puntland ayaa waxaa ay sheegeen roobabka in ay labo carruur ah ku dileen deegaan120km u jira degmada Qandala, kana tirsan gobolka Bari, kuwaasi oo jira da’da 8-sano iyo 6-sano.

Sidoo kale mas’uuliyiinta Puntland ayaa waxa ay sheegeen Xarfo iyo Burtinle oo ka tirsan gobolka Nugaal in ay saddex caruur ah ku dileen roobabka daadadka wata ee halkaasi ka da’ay.

Gaadiidkii ka imaan jiray waqooyiga Mudug ayaa waxaa la sheegay in ay ku xayiran yihiin Togga Dur-dur, halkaasi oo ay fariisteen biyaha roobka oo aad u fara badan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]