Ra’iisal wasaare Kheyre oo khudbad ka jeediyay shirka Doha Forum
Axad, May, 14, 2017 (HOL) - Ra’iisul
wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo
dalka Qatar uga qeyb gallay shirweynaha caalamiga ah ee looga hadlayo
iskaashiga dhinacyada xasilinta dhaqaallaha iyo siyaasadda ayaa ka jeediyay
khudbad uu kaga hadlayo xaaladda guud dalka, gaar ahaan daruufaha jira,
horumarka dalka iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in caalamka uu u soo jeesto
sidii ay gacan uga geysan lahaayeen horumarinta amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha
Qaxootiga.
“Adduunka intiisa badan waxaa heysto daruufo badan, balse Soomaaliya si gaar
ah waxaan ka codsaneynaa adduunka inaysan indhahooda ka qaadin Soomaaliya,
taasi oo daruufo badan soo daashaday oo ay hadda tahay fursad dhab ah oo garab
lagu siin karo, anaga kan dowlad ahaan waxaa naga go’an inaan sameyno isbadal
dhab ah, oo aan wadanka uga saarno daruufaha heysato” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha.
Ra’iisul wasaaraha oo inta badan khudbadiisa diiradda ku saaray arrimaha
Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool caalamka ayaa sheegay in caalamka looga
fadhiyo inay ilgaar ah ku fiiriyaan daruufaha heysato qaxootiga Soomaaliyeed oo
ah kuwa badan caalamka
“Qaxootiga Soomaalida waxaa heysato daruufo adag oo ay qabaan intooda badan,
waxaana lagama maar maan ah in caalamku ay ilgaar ah ku eegaan, dowladda cusub
ee hadda jirta waxaa ka go’an inay soo dhaweyso qaxootiga Soomaaliyeed ee dib
ugu soo laabanyaa dalkooda Hooyo iyo ka daryeelka dadka ku soo barakacay gudaha
dalka ee ay saameeyeen abaaraha, si aan taasi uga mira dhalino waxaan caalamka
uga baahanay inay gacan nagu siiyaan” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xassan Cali
Kheyre.
Dhinaca kale ra’iisul wasaaraha dalka waxaa uu kulan la qaatay dhigiisa
dalka Lubnaan Sacad Rafiiq Al-xariiri oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka
labada dhinac iyo iskaashi dhex mara labada dowladood.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]