4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 14, 2017
Madaxweynaha Soomaaliya oo aqbalay casuumaad uu ka helay dhigiisa dalka Masar

 
Axad, May, 14, 2017 (HOL)- Ra’iisul wasaaraha dalka Masar Shariif Ismaaciil, ayaa la kulmay Madaxweynaha Jambuuriyada Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Labada mas’uul ayaa ku kulmay magaalladda London ee dalka Ingiriiska, waxaana intasi kadib madaxweynaha la gudoonsiiyay warqad casuumaad ah oo ku aadan in madaxweynaha booqasho uu ku tago dalka Masar.

Warqada casuumaada waxaa soo diray madaxweynaha dalka Masar Abdel Fattah Al-Sisi. Mudane Farmaajo ayaa aqbalay casuumaada, waxaana dhawaan uu ku wajahanyahay dalka Masar, sida uu sheegay wargeyska Daily News Egypt.

Abdel Fattah Al-Sisi iyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa waxaa marka ay kulmaan ay ka wada hadli doonaan sara u qaadida arrimaha xiriirka labada dowladdood ka dhexeeya.

Laba maalin ka hor, dowladda Masar ayaa diyaarado military oo ay saaranyihiin gar-gaar isugu jiray cuno iyo daawo usoo dirtay dalka Soomaaliya, kadib markii madaxweyne Al-Sisis uu sheegay in ay caawin doonaan dadka ay saameyeen abaaraha ee Soomaaliya ku nool.

 

Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sheegay in Soomaalidda ay u bogayaan caawinta ka timid dalka Masar.

Khamiis-tii lasoo dhaafay,  Ra'iisul Wasaaraha Jamhuuriyada Masar Sharif Ismaaciil, ayaa ka qeyb-galay shirkii London Somali conference, waxaana wafdigii Shariif Ismaaciil, la socday xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Ahmed Aboul Gheit.

“Waa in la ogaadaa muhiimada ay leedahay ka qayb-galka Masar ee shirka iyo doorka Masar ay ka ciyaareyso gobollada Afrika marka la eego xoojinta iskaashiga dalalka Qaarada iyo xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Masar iyo  Soomaaliya”,  sidaasi waxaa lagu yiri war kasoo baxay dowladda Masar. 

“Waa in la caawiyaan wadankan walaalaheen ah oo lagu taageero awoodaha ammaanka iyo horumarka, iyada oo la ogyahay in caqabado ay hadda ka jiraan gobolka, gaar ahaan ifafaalaha burcad-Badeedda iyo argagixisada caalamiga ah”, Ra’iisul wasaare Shariif ayaa sidaasi yiri.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia