4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 14, 2017
Eedeyn loo jeediyay ciidamada Itoobiya ee ka howlgala gobolka Hiiraan

 

Axad, May, 14, 2017 (HOL) - Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa ku eedeeyay ciidamada Itoobiya ay ka howlgala gobolka Hiiraan in ay dileen dadka xoolo dhaqato u badan oo aan waxba galabsan.

Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Guure oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka dowlad gobolleedka Hirshabeelle ayaa ku eedeeyay ciidamada Itoobiya in ay dadka rayid ah oo u badnaa dad xoolo dhaqato ah ku dileen inta u dhaxeysa magaalada Beledweyne iyo deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.

“Ilaa iyo hadda ma heyno tira koob sax ah oo ku aadan dadka la dilay, hasse ahaatee wararka na soo gaaraya ayaa sheegaya ciidamada howlgalo ay ka sameeyeen inta u dhaxeysa magaalada Beledweyne iyo deegaanka Halgan ku dileen dad rayid ah oo xoolo dhaqato u badnaa’’ ayuu yiri xildhibaanka.

Deegaannada ay dilalkan ka dhaceen ayuu ku sheegay Beerxaano. Nuur Fanax, Garasiyaan iyo deegaanno kale oo ay ciidamada howlgal ka sameeyeen.

Maalin ka hor ayeey aheyd markii ciidamada Itoobiya ay toogasho ku dileen Wiil iyo Aabihii kaddib qarax miino oo lagula eegtay deegaanka Beerxaanno.

Eedeynta loo jeediyay ciidamada Itoobiya ee ka howlgala gobolka Hiiraan ayaa qeyb ka ah eedeymo inta badan loo jeediyo ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM ee la xiriira dilka dadka rayidka ah mudada ay ku guda jiraan howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab.

Hiiraan Online, News Desk