4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 14, 2017
Shir ku saabsan dib-u-eegista Dastuurka oo ka furmay Muqdishu

 
Axad, May, 14, 2017 (HOL)- Shir ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Dastuurka ee dowladda Soomaaliya, ayaa maanta ka furmay magaalladda Muqdishu.

Shirka waxaa ka qeyb-galaya qaar kamid wasaaraddaha Dastuurka ee maamul-gobolleedyadda, waxaana diiradda lagu saarayaa arrimo ku saabsan dib-u-eegista dastuurka dalka.

“Muhiimadda kulanka ayaa ah aragtiyadda ku aadan dib-u-eegista dastuurka dalka, maadaama uu u baahanyahay dhameystir”, sidaasi waxaa furitaankii shirka ka sheegay, Wasiirka Wasaaradda dastuurka dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

Dastuurka Soomaaliya ayaa ah qabya qoraal, waxaana xukuumadihii dalka soo maray ay wadeen sidii loo dhameystiri lahaa Dastuurka.

Aqoonyahanada Soomaalidda iyo siyaasiyiinta ayaa ku talinaya sidii loo dar-dargelin lahaa dhameystirka dastuurka, maadaama ay jiraan meelo badan oo aan kala cadeyn iyo awoodaha qaar oo mugdi ku jira.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia