4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 14, 2017
Shir looga hadlayay abaaraha Soomaaliya oo lagu soo gabagabeeyay Magaalada Washington DC


Axad, May, 14, 2017 (HOL)- Shir looga hadlaayay Abaaraha oo ay soo qaban-qaabisay Safaaradda Soomaaliya oo kaashaneysay Machadka nabadda Mareykanka ee USIP (United States Institute of Peace), ayaa dhawaan lagu soo gaba-gabeeyay guriga machadkaas uu ku leeyahay Magaalada Washington DC ee xarunta wadanka Mareykanka.

Shirka oo ay ka qeyb galeen Masuuliyiin ka socotay dowlada Mareykanka, Xildhibaano ka tirsan dowladda Somalia iyo xubno matalaayay Hay'adda Horumarinta Caalamiga ah u qaabilsan Mareykanka ee magaceeda loo soo gaabiyo USAID, ayaa waxaa looga hadlay dhibaatooyinka ay sababeen abaaraha iyo macaluusha ka jiro Somalia iyo sidii looga hor-tagi lahaa.

Kulanka oo qeyb ka mid ah ay aheyd wada-tashi ku saabsan qaabka looga digtoonaan karo abaaraha soo noq-noqday ee Somalia ka dhaco, ayaa waxaa iyagana lagu casuumay xubno kala matalaayay Soomaalida ku dhaqan illaa 12 ka mid ah gobolada Mareykanka iyo dhalinyaro qeyb weyn ka qaatay gurmadkii loo sameeyay dadkii abaaruhu ay saameeyeen.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiyo Mareykanka Amb. Axmed Ciise Cawad oo gar’wadeen ka ahaa kulankaas, ayaa ku tilmaamay inuu ahaa kii ugu horeeyay oo Safaaradu ay iskugu keento Soomaalida ku dhaqan gobolada Mareykanka qaarkood.

Xilli uu ka hadlaayay madasha, ayuu Safiirku ku booriyay Jaaliyadaha Soomaaliyeed iney laba-labaan dadaalkooda ku aadan dib-u-dhiska iyo horumarinta Somalia. Wuxuuna dhanka kale oga mahad-celiyay qurba joogta gurmadkii ay u sameeyeen walaalahooda Soomaaliyeed ee abaaraha iyo macaluushu ay iskugu darsameen.

Dhanka kale Eng. Jibril Afyare oo ka mid ah hoggaanka GSD “Global Somali Diaspora”, ayaa Hiiraan Online u sheegay iney wax badan ka faa’ideen kulankaas oo war qoraal ah oo ka soo baxay loogu baaqay Qurba-joogta Soomaaliyeed iney la yimaadaan isku xirnaansho, abaabul iyo wax ka qabashada dhibaatooyinka haysto Somalia.

Ugu danbeyn kulanka oo ay ka qeyb galeen Soomaali ku dhow illaa 2 boqol oo qof oo ka kala yimid gobolada Mareykanka qaarkood, sida; Arizona, Georgia, Ohio, Minnesota, Maine, Maryland, Massachusetts, North Caroline, Tennessee, Texas, Virginia iyo Washington DC, ayaa waxaa ka horeeyay Casho sharaf xaal wareysi aheyd oo Safiirka Somalia uu u sameeyay xubnihii shirkaas lagu casuumay.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online

E-mail: [email protected]

Washington DC – Mareykanka