4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 14, 2017
Xiisad colaadeed oo maanta ka taagan degaanka Labi-Caano ee Gobolka Galgaduud

 
Axad, May, 14, 2017 (HOL)- Xiisad colaadeed ayaa maanta ka taagan degaanka Labi-Caano oo ay shalay ku dagaalameen Maleeshiyo Beleed.

Dadka degaanka ayaa maanta Hiiraan Online u sheegay in maleeshiyaadkii dagaalamay ay isku horfadhiya miyiga degaanka Labi Caano.

Dagaalkii shalay ka dhacay degaanka waxaa ku dhintay lix qof halka 10 kalana ay ku dhaawacmeen, sida uu sheegay Maxamed Cali oo ah Guddoomiyaha Gobalka Galgaduud ee Dowladda Soomaaliya.

“Gobolka waxaa ka jiray khilaafyo xooggan, arrimahaasi ayaana keenaya dagaal beleedyada kusoo noq-noqday degaannada Gobolka, maamulka hadda waxaa uu wadaa abaabul la doonayo in lagu xaliyo dagaaladda”, waxaa sidaasi sheegay Guddoomiyaha Gobalka Galgaduud ee Dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kale Odayaasha dhaqanka Gobolka Galgaduud ayaa wadda dadaallo kala duwan oo lagu xalinaayo dagaalka Galgaduud, sida wariyaasha degaanka ay u sheegeen Hiiraan Online.

Degaanka lagu dagaalamay ayaa qiyaastii waxaa uu 45 KM u jira magaalladda Dhuusamareeb ee Gobolka Gedo. 

Dagaaladda salka ku haya aanada qabiil ee dhexmara beelaha Soomaaliyeed ayaa inta badan ku soo noq-noqda gudaha dalka.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia