4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 13, 2017
Salaadiin iyo Waxgarad magaalada Laascaanood u yimid xalinta colaada labo beellood


Sabti, May, 13. 2017 (HOL) - Madax-dhaqameed, cuqaal iyo waxgarad ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool, si ay qayb uga noqdaan dhexdhexaadin laba beelood oo mudodheer colaad sokeeye ku dhex martay koonfurta Gobolka Sool.

Madax-dhaqameedkan oo ay ka mid ahaayeen Suldaan C/laahi C/raxmaan Good oo Hargeysa ka yimi, Suldaan Maxamuud Guuleed Mirre, Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale iyo Suldaan Yuusuf Cabdi Cawad oo Gobolka Togdheer ka soo jeeda, waxaana weheliyey cuqaal iyo waxgarad kala duwan.

Weftigan oo lagu soo dhoweeyey afaafka waqooyi ee Laascaanood ayaa waxa halkaasi ka hadlay Sheekh Dr. Axmed Jaamac Ismaaciil Mire oo sheegay in ay hawl adag ku jireen isla markaana ay aad u soo dhoweynayaan weftigan si ay qayb uga noqdaan maslaxada beelaha wallaalaha ah ee colaadu dhexmartay.

Waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay Suldaan Siciid Cismaan Cali, Garaad C/laahi Maxamed Guuleed iyo Suladaan Mustafe Maxamuud Aw Seed oo halkaasi ka soo jeediyey sida ay baahi ugu qabeen hawsha adag ee ay gacanta ku hayeen, iyo baahida loo qabey cidkasta oo waxka tari karta walaalaynta labada beelood.

Madax dhaqameedkan ayaa iyaguna si wadajira u sheegay in joogi waayeen iyadoo dhibaato soo noqnoqotay, ayna u muuqatay inay talo iyo waxtarba ku kordhin karaan.

Maaha markii ugu horeysey ee hawsha labada beelood iyadoo dhamaadkii qarnigii tegey salaadiin iyo waxgarad kala duwan ay ku soo afjareen tuulada Dharkayn-Geenyo, waxaanay markale burburtay 2013kii, waxaana la isku deyey in hawshaasi la xakameeyo inka badan 10 jeer balse lagu guuldaraystay, waxase dadku rajo ka qabaan in haatan labada dhinacba ay xiligan dareemeen xanuunka colaada iyadoo sanadkan bilawgiisii iyo dhamaadkii kii tegey boqol ruux tiro ku dhow ay ku nafwaayeen boqolaala ay dhaawacmeen halka kumanaan qoysna barakeceen.

Seynab Cabdi Warsame

[email protected]

Laascaanood G. Sool