4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 13, 2017
Roobab lagu diirsaday oo ka da'ay qaybo kamid ah gobollada Puntland


Sabti, May, 13, 2017 (HOL)-Roobab si weyn loogu diirsaday ayaa ka da'ay qaybo badan oo kamid ah Puntland gaar ahaan magaalada Garowe iyo nawaaxigeeda ,xilli abaarta ka jirta gobolka ay soo barakicisay boqolaal dadweyne ah oo ka soo hayaamay dhanka Miyiga.

Roobkan oo si weyn u biyo dhigay daafaha Garowe ayaa da'ayay in ku siman saacado ,waxaana dhamaan buuxsimay biyo fariisinada degmada ,iyada oo tog-ga weyn ee Garowe lagu arkyay biyo  badan oo qul-qulaya.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa raxmad-da eebe ka mahad-celiyay ,waxaana la arkayay dadweyne fara badan oo isugu soo baxay Tog-ga Garowe oo ah halka ay fadhiyaan biyaha ugu badan ee roobkii maalmahan da'ayay.

"Walaal waad dareemi kartaa farxad-da maanta naga muuqata ,waayo abaarta ayaa si adag dhamaanteen noo saamaysay " ayuu yiri Axmed Yousuf oo kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay HOL.

Waxa uu sheegay in gurigiisa  ay ku nool-yihiin dhowr qoys oo isaga ku soo guuray markii ay abaartu ka dhacday gobolka Nugaal ,waxaana uu dowladda ka codsaday in dhaqaale abuur loo sameeyo dadka ku cayroobay abaarta.

Gudoomiyaha guddiga abaaraha Puntland Sheikh Fu'aad ayaa sheegay in shaqadoodi ay dhamaatay waxaana uu Eebe uga mahad-celiyay raxmad-da ka da'day qaybo badan oo kamid ah Somalia.

Ugu danbayn , meelaha ay roobabku ka da'een waxaa kamid ah degmada Qardho iyo tuulooyin dhowr ah oo hoostaga gobolka Mudug ee Puntland ,waxaana xilli roobaadkan oo soo daahay la filayaa in uu wax ka badalo nolosha boqolaal qof oo abaartu ay saaamaysay.

Faysal M. Hassan
[email protected]