4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 13, 2017
Mid kamid soo jireenadii saxaafadda Soomaalidda oo geeryooday

 
Sabti, May, 13, 2017 (HOL)- Magaalladda Nairobi ee caasimada dalka Kenya, waxaa maanta ku dhintay wariye Maxamed Maxamuud Macalim ( MM Macalim) oo kamid ahaa shaqaallaha wasaaradda warfaafinta ee Soomaaliya.

Allaha u naxariistee geerida wariyaha waxaa xaqiijiyay, wakaaladda Wararka ee dowladda Soomaaliya.

“Wariye MM Macalim ayaa muddooyinkii dambe ku xanuunsanayay magaalladda Muqdisho, hase ahaatee dhawaan ayaa loo qaaday dalka Kenya si halkaas loogu soo daweeyo, waxaana maanta uu ku geeriyooday isbitaalkii lagu dabiibeyay”, sidaasi waxaa sheegtay wakaladda SONNA.

Wariye Maxamed Maxamuud Macalim ( MM Macalim), waxaaa uu kamid ahaa rug cadaayaasha saxaafadeed ee fara ku tiriska ah ee ka haray wariyeyaashii hore ee Radio Muqidsho.

Mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, ayaa ka tacsiyadeeyay geerida wariyaha, waxaana Alle ay uga baryeen in uu janadii fardoowso uu ka waraabiyo.

Marxuumka ayaa la filayaa in dhawaan la aaso. 

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia