4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 13, 2017
Ra’iisul Wasaaraha oo safarkiisii ugu horreeyay ee dibada ah ku tegaya dalka Qadar

 
Sabti, May, 13, 2017 (HOL)- Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta safarkiisii ugu horreeyay ee dhanka dibadda ah ku tegaya dalka Qadar.

Mudane Xasan, ayaa waxaa safarkiiga ku wehlinaya qaar kamid ah Golaha wasiiradda ee xukuumadda, waxaana la filayaa in maalinta berri ah ay ka qeyb-galaan shirka “Doxa Forum” ee ka furmaya magaalladda Doha ee dalka Qadar.

Ilo wareedyo ayaa Hiiraan Online u sheegay in shirka looga hadli doono arrimo ay kamid yihiin dhaqaallaha iyo Qaxootiga.

Safarka Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa waxaa uu yahay kisii ugu horreeyay tan iyo markii loo magacaabay xilka Ra’iisul wasaaraha.

Dhinaca kale maanta wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa dib ugu soo noqday magaalladda Muqdishu.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalladda London, halkaasi oo ay ka socdeen shirar looga hadlayo arrimaha dalka Soomaaliya.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, ayaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo dhoweeyay wafdiga Madaxweynaha.

In ka badan 42 dowladdood iyo ururo caalami ah oo daneynaya arrimaha Soomaaliya, ayaa ka qeyb-galay shurkii London Somali Conference ee 12-kii bishan ka dhacay magaalladda London. 

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia