4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 13, 2017
Roobab ka da'ay deegaanno ka tirsan gobolka Sool

 

Sabti, May, 13, 2017 (HOL) - Robabkan oo ka da'ay dhul aad u balaadhan oo ka mid ah gobolka Sool iyo degaanka Caymeed ee Buuhoodle, waxaana la xaqiijinayaa in uu yahay roobkii ugu balaarnaa ee 5tii sano ee ugu danbeeyey saameeyey dhul baaxadaas leh.

Magaalada Laascaanood ayaa ku dhowaad 8 saacdood uu roobku ka da'ayey, iyadoo ay togaga biya mareenka ah ay ilaa hada soconayaan.

Magaalada gudaheeda waxaa weli matooro lagaga saarayaa gotaano biyo fadhiisin noqda kuwaas oo u badan suuqa ganacsiga, waxaana dadku ku eedaynayaan Dawlada Hoose in dayacday banaynta Biyo-mareenada magaalada, waxaanay xuseen hadii roobku sii socon lahaa mudo intaas ka dheer in guryo badan ay dumi lahaayeen.

Meelaha abaarta darani ka taagnayd ee roobsaday waxaa ka mid ah Degmada Taleex oo inteeda badan dooxooyinka waaweyn ee daaqsinta ku wacan ay doogsadeen sida uu HOL u sheegay Xuseen Cabdi oo aan Teleefanka kula xidhiidhnay.

"Xalin oo ahayd halka ugu daran ee ay dhibaatooyinka caafimaad darona ka jireen ayaa roobsatay, sidookale Dooxada Dhumay, Qawlo, Maragmaal iyo qaarkale ayaa si wacan lay sheegay inay u doogsadeen walow meelo roobku ku yaraa ay jireen oo magaalada Taleex ay ka mid tahay waa la doogsadey.

Degmada Xuddun ayaa sidoo kale magaaladu aanay helin roob balse waxa uu Axmed Cali Faarax oo ah Suxufi halkaasi ku sugan in meelkasta oo magaalada looga baxo rooban tahay marka laga reebo meelo dhawra oo aanu ka fogayn.

Dhinaca kale dhulka kaymaleyda Hawdka ee Koonfurta gobolka Sool iyo degaanka Buuhoodle ee Hawdka loo yaqaan ayaa marlabaad doogsadey iyagoo dadka degaankaas ku nooli ay ahaayeen kuwo doog iyo xareedba haysta/

Si kastaba ha ahaatee walaac aad u daran oo haystay dadka ku nool dhulka loo yaqaan Dooxada Nugaaleed ayaa maanta xareed dabaalaya iyagoo ay ka khafiiftay cabsidii darayd waqti ay soo dhowaatey dabaysha qalalan ee Xagaaga.

Seynab Cabdi Warsame

[email protected]

Laascaanood G. Sool