4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 13, 2017
6 qof oo ku dhintay dagaal beeleed ka dhacay Gobolka Galgaduud

 
Sabti, May, 13, 2017 (HOL)- Ugu yaraan 6 qof ayaa dhintay halka sagaal kalana ay ku dhaawacmeen, kadib dagaal beeleed maanta ka dhacay degaan hoos yimaada Gobolka Galgaduud, sida uu sheegay Maxamed Cali oo ah Gudoomiyaha Gobalka Galgaduud ee Dowladda Soomaaliya.

Dagaalka waxaa uu ka dhacay degaanka Labi-caano oo dhaca bariga Gobolka Galgaduud.

“Dagaalka waxaa ku dhintay lix qof, sagaal kalana waa ay ku dhaawacmeen, dhinaca kale wali xiisad ayaa ka taagan degaanka lagu dagaalamay”, sidaasi waxaa yiri Guddoomiyaha. 

Dadka degaanka ayaa sheegay in dagaalka uu ka bilowday aano hore oo dhex martay labada beelood ee maanta dagaalamay.

Dadka ku dhintay dagaalka ayaa la sheegay in ay u badanyihiin maleeshiyaadka ku dagaalamay degaanka, sidoo kale dad rayid ah ayaa lasoo wariyay in ay kamid yihiin kuwii ku dhaawacmay dagaalka.

Dagaaladda salka ku haya aanada qabiil ee dhexmara beelaha Soomaaliyeed ayaa inta badan ku soo noq-noqda gudaha dalka.

Mas’uuliyiinta maamulka Galmudug, ayaa lasoo sheegayaa in ay ku howlanyihiin sidii loo xalin lahaa dagaalka kasoo cusboonaaday Gobolka Galgaduud.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia