4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 13, 2017
Madaxweyne Farmaajo iyo wasiirka socdaalka, Qaxootiga iyo jinsiyadaha Canada oo kulan ku yeeshay London

 
Sabti, May, 13, 2017 (HOL)-  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Abdullahi “Farmajo” ayaa intii uu joogay magaalladda London la kulmay Wasiirka Socdaalka, Qaxootiga iyo jinsiyadaha dalka Canada Ahmed Hussein, oo dhinaca kalana ah muwaadin ka soo jeeda Soomaaliyeed.

Wasiir Ahmed Hussein, ayaa London u tagay sidii uu uga qeyb-gali lahaa shirkii 12-kii bishan ka dhacay magaalladda London.

Madaxweynaha iyo wasiirka ayaa ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, dar-dar gelinta iyo kordhinta taageerada dowladda Canada ay siiso Soomaaliya.

Wasiirka socdaalka qaxootiga iyo jinsiyadaha Canada mudane Ahmed Hussein ayaa ballanqaaday inay dowladda Canada sii joogteyn doonto taageerada dhaqaalle iyo mashaariicda horumarineed ee ay ku caawineyso shacabka Soomaaliyeed. 

Sidoo kale labada dhinac ayaa waxaa si gaar ah uga wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin Qaxootiga iyo malaayiin doollar oo ay dowladda Canada ku bixisay gurmadka abaaraha ee dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Abdullahi Farmajo, ayaa aad ugu amaanay wasiirka socdaalka Canada Ahmed Hussein, heerka uu ka gaaray siyaasadda Canada.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia