4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 13, 2017
Sarkaal ka tirsan Al Shabaab oo lagu dilay koonfurta Soomaaliya

 
Sabti, May, 13, 2017 (HOL)- Sarkaal sare oo ka tirsan Al Shabab ayaa lagu dilay degaanka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Sarkaalka oo lagu magacaabi jiray Cabdullahi Cali Shire (Baxar), ayaa waxaa dilay mid ka mid ah ilaaladiisa sida dadka degaanka ay sheegeen.

Dilka Cabdullhi Cali, ayaa waxaa uu dhacay xalay saqdii dhexe.

Dhinaca kale waxaa jira warar aan la xaqiijin oo sheegaya in sarkaalka la dilay maalmihii lasoo dhaafay uu waday dhaq-dhaqaaqyo uu ku doonayay in uu isugu soo dhiibo dowladda Soomaaliya.

Ma jirto war kasoo baxay Al Shabaab oo ku aadan dilka sarkaalka.

Maamulka Jubbaland dhankooda wali kama aysan hadlin wararka ku aadan dilka loo geystay sarkaalka Al Shabaab ka tirsan. 

Bilihii lasoo dhaafay waxaa jiray xubno ka tirsan Al shabaab oo isku dhiibayay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul-gobolleedyada dalka jira. 

Dagaalyahanada Al Shabaab ayaa deegaanno ka mid ah Gobolka Gedo gacanta ku heysa.

Dhinaca kale ciidamada maamulka Jubaland ayaa wada dhaq-dhaqaaqyo xooggan oo ay ku doonayaan in ay kula waregaan deegano ka tirsan gobolka Gedo oo ay maamulaan Al Shabaab.

Hiiraan Online,
Mogadishu,Somalia