4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 12, 2017
Hay'adda Nabadsugidda Jubaland oo faahfaahisay qaraxii ka dhacay Kismaayo
Jicmo, May, 12, 2017 (HOL) –Hay'adda Nabadsugidda iyo sirdoonka Jubaland ayaa faahfaahin ka bixisay qarax maanta gelinkii danbe ka dhacay magaalada Kismaayo kaa oo uu fuliyay ruux isku soo xiray walxaha qarxa.

Qaraxa ayaa ka dhacay nawaaxiga xerada Koongo oo ah saldhigga ugu weyn ee ciidamada nabadsugidda Jubaland ay ku leeyihiin magaalada Kismaayo, waxaana uu sababay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Madaxa laanta danbi baarista hay'adda nabadsugidda Jubaland Gaashaanle Axmed Muuse oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in weerarka uu fuliyay ruux isku soo xiray walxaha qarxa kaa oo markii uu istaajiyay askari ka tirsan nabadsugidda is qarxiyay.

"Ninka is qarxiyay waxaa marka hore ka shakiyay askari ka tirsan nabadsugidda, wuxuu ku amray in uu istaago oo shaatiga kor u qaado, marka uu dareemay in gacanta lagu dhigay ayuu is qarxiyay," ayuu hadalkiisii raaciyay, isagoo aan wax faahfaahin dheeri ah ka bixin qasaaraha ka dhashay qaraxa.

Dhanka kale, ilo xog ogaal ah oo la hadlay shabakadda HOL ayaa inoo xaqiijiyay in qaraxa ay ku dhinteen laba qof oo rayid ah oo mid kamid ah ay ahayd gabar yar oo shan jir ah, halka ay dhaawacyo kasoo gaareen askarigii ninka is qarxiyay qabtay iyo laba qof oo kale oo rayid ah.

Ninka walxaha qarxa isku soo xiray ma cadda halka bar tilmaameedka u ahayd, balse goobta uu ku qarxay ayaa ahayd nawaaxiga xerada ciidamada nabadsugidda ee magaalada Kismaayo, waxaa sidoo kale ay ka agdhawayd goob lagu shaheeyo oo aad u mashquul badan gelinka danbe ee maalintii.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarka, waxaana saraakiisha nabadsugidda Jubaland ay sheegeen in ay ka danbeeyso kooxda Al-shabaab.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.