4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 12, 2017
Qodobadii ugu muhiimsanaa khudbaddii Madaxweynaha ee Shirka London
Jicmo, May, 12, 2017

*To read this story in English, click here*



Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Mohamed Abdullahi “Farmaajo” ayaa ka hadlay shirka London ee Soomaaliya shalay oo khamiis ah, 11ka May 2017. Madaxweynaha ayaa ugu horeyn u mahad celiyay dowladda R/waasaraha dowladda Britain Theresa May qaban qaabinta iyo ka mira-dhalinta  shirka aayaha Soomaaliya iyadoo aanay ahayn markii ugu horeysay ee UK ay shir u qabato Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa u mahad celiyayay Gudoomiyaha midowga Afrika  Mousa Faki Mahamat iyo xoghaya guud ee qaramadda midoobay Antonio Guiterres. Wuxuu M/weynaha xusay in shirkani u qiimo gaar ah ugu fadhiyo Soomaaliya isagoo intaa raaciyay in bahwadaagta Soomaaliya ay garab istageen dalkiisa iyo shacabka Soomaaliyeed xiliyadii ugu daruufta adkaa.  Wuxuu sidoo kale u mahadceliyay dhamaan in ka badan 40 kii dal ee ka soo qeyb-galay shirka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa mahadcelin kadib sheegay  in muddo dheer oo hannaan doorasho la soo maray ay ugu dambeyn qabsoontay doorashadii madaxtinimo  8da Febraayo 2017. Wakiiladda shacabka Soomaaliyeed ayaa doortay isbedel iyo jiho cusub oo ay Soomaaliya yeelato. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi “Farmaajo” ayaa sheegay inay dhiirigalineyso isla markaasna uu maanka ku hayo xajmiga tageero ee bulshaddiisu ay u muujisay kadib iyo ka hor doorashiidii la doortay, isagoo intaa ku daray inuu maanka ku hayo wax-qabadka ay ka filayaan bulshadda oo ay ugu horeyso sugidda amniga iyo hirgalinta adeeyada aas-aasiga ah ee bulshadda, sida adeegga caafimaadka iyo waxbarashadda. Wuxuu madaxweynu yiri “Inkastoo aan si hufan oon kala go’ lahayn aan uga shaqeynayno sidii aan u rumeyn lahayn filashadda iyo rajadda ay naga sugayaan dadkeenna, waxaan si qumaati ah u horumarin doonnaa tayada nololeed ee muwadiniinteena Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Farmaajo ayaa khudbadiisa ku sheegay in Soomaaliya ay leedahay taariikh dimuqradiyadeed oo soo jireen ah laga soo bilaabo sanadkii 1960, wuxuu intaa ku daray inay Soomaaliya ka mid tahay dalalka ugu horreeyay dimuqraadiyadda Afrika ee Madaxweyne xukunka ku fadhiya uu si nabad ah ugu wareejiyay mid kale oo doorasho uga guuleystay.

Madaxweynaha ayaa sheegay inkastoo ay jiraan caqabaddo wajahaya dalkiisa, waxa uu tilmaamay in xoojinta hey’addaha dimuqraadiga ah ay tahay waxa horseedi kara soo kabashadda dalkiisa.  Wuxuu intaa ku daray in dowladiisu aanay waqti lumin doonin sidii ay uga dhabeyn lahayd hirgelinta ballanqaadyadii uu sameeyay xilligii ololaha doorashadda Soomaaliya, kuwaas oo ay ugu horeyaan saddex arrimood oo kala ah, argagixisadda, musuqmaasuqa iyo saboolnimadda, isagoo ku nuuxnuuxsaday aragtidiisa ku aaddan sidii loo hirgalin lahaa saddexdaas arrimood, oo ay ugu horeyso dhisidda hey’addo dowli oo awood iyo tayo leh kuwaas oo diiradda saari doona sugidda amniga iyo dowladda inay hormuud u noqoto hannaanka dowlad wanaaga.  Wuxuu intaa raaciyay in ahmiyad weyn uu siin doono sidii Soomaaliya ay uga soo dhalaali lahayd booska ay ku leedahay caalamka iyo horumarinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri “Waxan aaminsanahay in ganacsiga iyo maalgashigu ay ka mid tahay waxyaalaha dhimi kara saboolnimadda isla markaasna abuuri kara fursado shaqo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in ajendaha isbaddalkiisa dowladnimo ay ku bilaabatay xulashadda Ra’iisul wasaare howlkar ah oo hoggaan hufan leh. Wuxuu sheegay in R/wasaaraha uu xushay, Xasan Cali Khayre oo dowladda ku soo biirinayo sanooyin badan oo qibrad sare oo dhanka bini’aadnamidda iyo horumarinta ah, soona qabtay howlo ay ka mid tahay ganacsiga.

Wuxuu Madaxweynuhu xusay in iyada oo laga faa’ideysanayo khibradda iyo xiriirka baaxadda leh ee uu  la leeyahay dhammaan jilayaasha kale siyaasadda, R/wasaaraha ayaa soo dhisay xukumad aqoonyahanno ah oo ay ku jiraan 5 wasaradood oo ay hogaaminayaan haween – midii ugu ballaarneyd tariikhdeenna – iyo wasiiro dhallinyaro ah oo matalaya 85% ka mid ah bulshadda Soomaaliyeed oo ay da’dooda ka hooseyso 40 jir.  Mid ka mid ah wasiiradda ayaa ka yimid xerada xaqootiga ugu weyn caalamka ee dhadhaab, Kenya – Tariikhdiisa ayaa wax badan inooga sheegaysa isbedelka uu galayo dalka Soomaaliya.  Nasiib darro wasiirkaas ayaa noloshiisa waayey isbuucii la soo dhaafay balse tariikhda uu ka tagay ayaa inala joogi doonta waligeed ayuu yiri M/weyne Farmaajo.

M/weynaha ayaa soo hadal qaaday arrinta ku saabsan siyaasadda guud ee dhanka aminga isagoo xusay in dhawaan la sameeyay guddiga guud ee amniga qaranka, wuxuu sheegay inaysan shaqadoodu aheyn oo kaliya inay arrimaha amniga ka hadlaan balse sidoo kale ay wax ka qabtaan arrimaha quseeya amniga. Madaxweynaha ayaa sheegay in xaqiiqda ah in Hoggaanka maamul goboleedyadda ay maanta ku wehliyaan kulankiisa ay astaan u tahay dadaalka wadajirka ee midnimo xooggan iyo iskaashiga madaxda Soomaaliyeed.  Wuxuu intaa raaciyay in la dhameystiri doono sharciga axsaabta si ay xildhibaanadda iyo axsaabtu ay u sameynsan karaan xisbiyo ku dhisan sharciyad si waqaafsan dastuurka.

M/weynaha ayaa sheegay in aminga uu ahmiyad gaar ah ugu fadhiyo dowladiisa. Balse ay dowladiisu u baahantahay imkaaniyaatka muhiimka ah si ciidamadda geesiyada ah ee Soomaaliyeed u soo afjaraan kooxaha argagixisadda ah ee Alshabaab.

Wuxuu intaa ku daray in iyadoo la kaashanayo howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya in dowladdiisu ay ka adkaan doonto Al-shabaab dhowrka sanno ee soo socda. M/weynaha oo sii hadlaya wuxuu yiri “markii aan ka xoreyno kooxaha argagixisadda ah dhulka harsan isla markaasna aynu isku furno waddooyinka si ay u maraan sahayda loogu tala galay dadweynaha, waxaan intaas kadib xasilin doonnaa dalka iyadoo iskaashi lala sameynayo maamul goboleedyadda ayaa la dhisi doonaa maamuulka degaanadda”.

Madaxweynaha ayaa khudbadiisa oo dhinacyadda badan taabaneysay ku soo qaatay in xilli fog ay ciidamadda geesiyaasha ah ee Soomaaliyeed iyo kuwa argagixisadda ah isticmalayeen hubka fudud oo isku nuuc ah – oo ay ugu badan yihiin qoryaha AK47 ka, tiyoo ay jirto geesinimadda iyo naf-huridda ciidamadeenna rag iyo dumarba leh, waxay adeegsadaan qalab la mid ah midka cadawga oo aanay suurtagal noqoteen in Al-shabaab laga adkaado Amisom oo ku hubeysan qalabka ciidan ee culus la’aanteed. Wuxuu M/weynuhu sheegay in la joogo xiligii la qaadi lahaa cunoqabateynta hubka ee Soomaaliya saaran si ay ciidamada Soomaaliyeed u helaan qalab tayo leh oo ay kula dagalamaan kooxaha argagixisadda ah. Wuxuu intaa ku daray inay kala shaqeynayaan qaramadda midoobay iyo bahwadaagta kale ee Soomaaliya sidii loo jeexi lahaa khariidad qeexan oo suurtaglisa in cunaqabateynta hubka la qaado.
M/weynaha ayaa amaanay doorka ay saxiibadda Soomaaliya qaadanayaan nabad ku soo dabaalidda dalkiisa iyo tageeradda joogtadda ah eey siiyeen sanooyinkii la soo dhaafay. Wuxuu yiri “qaarkood waxay na siiyaan tageero dhaqaale halka kuwa kale ay na siiyaan tageero farsamo iyo qalab. Wuxuu si gaar ah u boogaadiyay Amisom, isagoo intaa raaciyey “Ciidamadda nabad ilaalinta ee Amisom waxay nala shaqeynayeen 10 sanno – in ka badan inta uu qof walba maanka ku hayey. Intii xiligaa lagu jirayna waxay noo hureen noloshadda askartooda iyagoo baadigoob ugu jira sidii ay Soomaaliya u caawin lahayeen isla markaasna looga adkaan Al-shabaab, loona dhisi lahaa ciidamadeenna.

Xaaladda amni darro lama badali karo iyadoo aan laga hadlin waxyaabaha asalka u ah kuwaas oo ay ka mid yihiin saboolnimadda iyo shaqo la’aanta. Inta badan dhalinyaradeena ee xilligan waa shaqo la’aan midaas oo siisay argagaxisadda jawi ay ku marin habaabiyaan dhaliyaradeenna ayuu yiri madaxweynuhu. Isagoo sii wata ayuu yiri “waa inaan wax ka qabanaa arrimahan iyadoo loo marayo qorshe dib loogu soo kabayo dhaqaalaha oo hufan. Waxay dowladdu isla garatay ahmiyaddaha kuwooda ugu horreeya oo ay saldhig u tahay ‘Qorshaha horumarinta qaranka.

M/weynaha ayaa sheegay in dalal badan oo caalamka ka tirsan ay muujiyeen rabitankooda ku aaddan sidii ay uga cafin lahayeen Soomaaliya deymaha ay ku leeyihiin. Wuxuu sheegay inuu xusi karo dalalka Jaamacadda carabta oo dhawaan uga dhawaaqay shiweynihii Cammaan ee Maarso in dalalka ku bahoobay ay diyaar u yihiin inay deymihii ay Soomaaliya ku lahayeen ay ka dhafaan. Waan uga mahadcelinaynaa abaalkan walalaheenna carbeed ayuu yiri madaxweynaha

Wuxuu M/weyne Farmaaajo sidoo kale soo hadal qaaday in horumarinta dhaqaale ee Soomaaliya ay leedahay ay tahay xirfadda ganacsi yaqaanimo oo dadkiisa Soomaaliyeed isagoona sheegay in dowladiisu ay qaadi doonto talaabooyinka lagama maarmaanka ah sidii loogu suurtogalin lahaa dadka Soomaaliyeed inay ganacisgooda ka hirgashtaan Soomaaliya iyadoo si isku mid ah loo awoodsiinayo gacansiga yar-yar iyo midka weyn.

M/weynaha ayaa tilmaamay caqabadda hey’addaha maaliyadda Soomaaliya ka heysta isticmaalka adeegyadda maaliyadeed ee caalamiga ah. Ganacsiga xawaaladdaha kuwaas oo u dira Soomaaliya ilaa 2 bilyan dollar sanadkiiba, ma adeegsan karaan Bangiyada UK iyo kuwa Mareykanka, iyadoo ay ugu wacantahay xayiraaddii lagu soo rogay. In kastoo uu jiro horukac aan sameynay sanooyinkii la soo dhaafay, waxaa la joogaa xilligii loo fududeyn lahaa hey’addaha maaliyadda Soomaaliyeed sidii ay u adeegsan lahayeen Bangiyadda dalalkan.

“Iyadoo ay jiraan duruufaha badan ee ay wajahayaan dadkeyga, waa inaan dhammaan xasuusannaa in umadda Soomaaliyeed ay u babac dhigeen masiibooyinka daabiiciga ah iyo kuwa aan dabiiciga ahayn, waxayna si cajiib leh u soo laba kacleyeen iyagoo hirgaliyey isgaarsiin iyo nidaam xawaladeed kuwa ugu casrisan Afrika” ayuu yiri M/weyne Farmaajo.
Wuxuu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku soo gaba-gabeeyay in iyadoo ay dowladiisu kaashaneyso bahwadaagta Soomaaliya iyo saxiibada kale in ay ka faa’ideysan donaan fursadaha horyaalla. Wuxuuna intaa ku daray “Waxay tani horseedi doontaa isla xisaaabtan dhab ah, middaas oo aan aad u soo dhaweynayo”.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa ku soo gabagabeeyay inay Soomaaliya hore u soo mareen shirar kala duwan oo hore loogu soo qabtay balse maanta uu xaalku ka duwan yahay sidii hore sababtoo ah ayuu yiri waxaan idiin xaqiijin karaa dhamaantiin in Soomaaliya aanay marnaba dib ugu laaban doonin marxaladihii adkaa ee ay soo martay balse uun ay hore ugu socon doonto dhabaha horumarka iyo barwaaqadda.
 
                              


                                             ** Dhamaad **