4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 12, 2017
Ciidamada Itoobiya oo Wiil iyo Aabihii ku dilay deegaanka Beerxaano ee gobolka Hiiraan

 Jicmo, May, 12, 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka Beerxaano ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya subaxnimadii hore ee maanta toogasho ku dileen Wiil iyo Aabihii oo ka tirsanaa dadka deegaanka.

Qof ku sugan deegaanka Beerxaano oo la hadlay HOL ayaa sheegay in Axmed Xaanshi Tuuroow iyo wiilkiisa oo lagu magacaabo Shinade Axmed Xaanshi, ciidamada Itoobiya dileen.

Dilka ayaa ka danbeeyay qarax miino oo ciidamada lagula eegtay meel dulleedka koonfuureed uga beegan deegaanka Beerxaano, lamana oga khasaaraha ciidamada Itoobiya ka soo gaaray qaraxa.

Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Hiiraan oo la xiriira dilka labada ruux ee rayidka ah.

Sidoo kale ciidamada Itoobiya ayaa maalintii shalay kula dagaalamay inta u dhaxeysa deegaanka Garasiyaani iyo Halgan ee gobolka Hiiraan xoogagg ka tirsan Al-shabaab.

Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa maalintii shalay kulankii caalamiga ahaa ee London ka dhax sheegay in ciidamada Itoobiya howlgal ka wadaan qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan.

Hiiraan Online, News Desk