4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 12, 2017
Soomaali iyo Kenyan laga soo tarxiilay Mareykanka oo Kenya laga dejiyay

 
Jimco, May, 12, 2017 (HOL)- Diyaarad siday 67 qof oo Soomaali ah iyo 5 kenyan ah oo laga soo tarxiilay dalka Mareykanka ayaa maanta soo caga dhigatay Garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta ee dalka Kenya.

Soomaalidda laga dejiyay magaalladda Nairobi ayaa la filayaa in loosoo gudbiyo magaalladda Muqdishu, sida ay sheegeen saraakiisha garoonka Jomo Kenyatta.

“Waxaa la fahmayaa in dadka lasoo tarxiilay ay kamid yihiin, dadkii horay loo soo tarxiilay, kuwaas oo uu saameyay go’aankii Madaxweye Donald Trump”, sidaasi waxaa yiri saraakiisha garoonka Jomo Kenyatta.

Safaaradda Soomalidda ee dalka Mareykanka ayaa horay u sheegtay in dadka lasoo masaafurinayo ay iyaga dalbadeen in dalkooda hooyo lagu celiyo.

Horaantii bishii Janaayo, 90 qof oo Soomaali ah iyo laba Kenyan ah oo laga soo masaafuriyay dalka Mareykanka, ayaa laga soo dejiyay garoonka dayaaradaha ee Jomo Kenyatta ee magaalladda Nairobi,

Afhayeenka dowladda Kenya, Eric Kiraithe ayaa sheegay in Kenya iyo Mareykanka ay iska kaashanayeen fududeynta hawlgalkan lagu soo masaafuriyay dadkaasi.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia

`