4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 12, 2017
Ciidamada Itoobiya oo Qarax lagula eegtay Gobolka Hiiraan

 
Jimco, May, 12, 2017 (HOL)- Kolonyo ay la socdeen ciidanka dowladda Ethiopia ayaa maanta Qarax miino lagula eegtay degaanka Berhaano oo u dhow magaalladda Baladweyne ee xaruunta Gobolka Hiiraan.

Lama shaacin khasaaraha ka dhashay Qarax, sida ilo wareedyo ay sheegeen.

Xaaladda deegaanka Berhaano ayaa hadda degan, waxaana la soo sheegayaa in kolonyadii Qarax lagula eegtay deeganka in ay iska sii wateen socodkooda, sidoo kale dhaq-dhaqaaqa degaanka waxaa uu kusoo noqday si caadi ah.

Dhinaca kale Al Shabaab iyo ciidanka Itoobiya ayaa shalay ku dagaalamay deegaanka Garasyaani ee Gobalka Hiiraan, sida ilo wareedyo ay sheegeen.

Kolonyada ciidamada Itoobiya ay la socdaan ayaa inta badan waxaa lagu qaadaa weeraro jid-gal ah, oo ay khasaare ka dhashaan.

Maamulka Gobolka Hiiraan wali kama uusan hadlin Qaraxa iyo dagaalka ka dhacay deegaannadda ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia