4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 12, 2017
Beesha caalamka iyo Soomaaliya oo isku raacay “Dhismaha Ciidanka Soomaaliya”

 
Jimco, May, 12, 2017 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa heshiisyo la gashay beesha caalamka si loo dhiso ciidanka Qaranka ee Soomaaliya.

Ujeedka dar-dargelinta dhismaha ciidanka Qaranka ayaa lagu sheegay sidii ay ula dagaalami lahaayeen Al Shabaab oo hadda dagaal xooggan kula jirta Dowladda iyo AMISOM.

“Awoodaha adduunka intii ay ku sugnaayeen shirka London, waxaa ay isku raceen sidii loo taageeri lahaa loona tababari lahaa ciidanka Qaranka, si ay Police-ka ugala wareegaan AMISOM sugida ammniga dalka”, sidaasi waxaa lagu yiri heshiiska.

Shirkii ka dhacay Lancaster House ee magaalladda London, waxaa kasoo qeyb-galay in kabadan 40 wadan, kuwaas oo fursado u abuuray dalka Soomaaliya si looga baxo khilaafka soo socday sanadooyin badan.

Dhinaca kale, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, ayaa sheegay in loo baahanyahay $900 million oo dollar oo dheeraad ah sanadkan, si loo kordhiyo kaalmada bani’aadanimadda ee dalka Soomaaliya.

"Waxaan soo bandhigay qorshaha dib loogu eegayo jawaabta bani'aadamnimada, waxaan raadineynaa $900 million oo dollar, dhamaadka sanadkan, si jawaab looga bixiyo abaaraha ku dhuftay dalka Soomaaliya”, sidaasi waxaa yiri Guterres.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, ayaa hadalkaasi ka sheegay shirkii ka dhacay magaalladda London ee looga hadlayay arrimaha dalka Soomaaliya.

Natiijadda abaaraha dalka Soomaaliya ee sanadkan, ayaa waxaa ay dhalisay in ay adkaato helista biyo la cabo iyo caafimaad, waxaana u dheeraa dadka abaaraha ay saameyeen cudurro ay kamid yihiin shuban biyoodka.

Horaantii sanadkan, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmajo, ayaa ku dhawaaqay xaalad Musiibo Qaran, si wax looga qabto arrimaha bani’aadannimo ee ka jira dhammaan goobaha ay abaaraha saameeyeen ee dalka Soomaaliya.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia