4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 12, 2017
Qaramada Madoobey oo kordhineysa taageerada ay siiso Soomaaliya

 

Jicmo, May, 12, 2017 (HOL) - Xoghayaha guud ee Qaramada Madoobey Antoni Gutters ayaa sheegay hadda Soomaaliya in ay hadda ku sugan tahay sida uu hadalka u dhigay xaalad khatar iyo wanaagba isugu jirta.

Waxaa uu sheegay Soomaaliya in ay kordhisay tayadeeda maamul, waxyaabaha aas-aaska u ah xasillooni dheeraad ahna la diyaariyay, laakiin dhammaan guulahan ay gaareen madaxweynaha iyo dowladda wali yihiin kuwo nugul oo aan adkeyn.

Xoghayaha ayaa sheegay Soomaaliya in ay u baahan tahay maalgashiyo lagu badbaadiyo horumarka la sameeyay islamarkaasna deg deg wax looga qabto xaaladda cunno la’aanta ah ee sii kordheysa ee saamaynaysa malaayiin dad Soomaaliyeed ah.

“Noloshooda waxaa burburiyay dhibaatooyin halis ah oo is biirsaday oo isugu jira abaar daba-dheeraatay, saboolnimo baahsan iyo u-nuglaan, waxaana ula sii jirta barakac iyo xasillooni-darrida dalka ka jirta iyo weliba xadgudubyo lagu sameeyo sharciga caalamiga ah ee xilliyada dagaalka iyo sharciga xuquuqul insaanka kuwaas oo la socda weerarrada argagixiso ee dhammaanteen aan ka wada warqabno” ayuu yiri Antonio.

Ugu dambeyntii Xoghayaha Guud ee QM ayaa sheegay hay’adaha Qaramada Midoobay iyo saaxiibada taageera in ay sare u qaadeen oo ay kordhiyeen caawimaadda dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, isaga oo sheegay in ay kaalmo gaarsiiyeen dad ku dhow 2 milyan oo ka mid ah 5.5 milyan oo qof oo la qorsheeyay in la gaarsiiyo cunto, lacag caddaan ah, daweyn nafaqo, adeeg caafimaad, biyo nadiif ah iyo adeegyo lagu badbaadinaayo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]