4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 11, 2017
Hay’adda HARO oo gargaar gaarsiisay qoysas abaartu saameysay


Khamiis, May, 11, 2017 (HOL) - Hay’adda Humanitarian African Relief Organization (HARO) oo ah Hay’ad Samafal oo ka howlgasha dalka Soomaaliya ayaa maalmahaan waday arnaamijyo loogu gargaarayo shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaraha Saameeyeen, ayaa dhawaan gargaar  raashin noocyo kala duwan u qaybisey dad barkacayaal ah oo ku sugan duleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan deegaanka Taree Dishe 

Gargaar isugu jiirey qaybin raashin iyo bacaha roobka laga galo ayaa Hayada HARO waxay u qaybisey Dad Barkacayaal ah oo Degen Km-13 kuwaa ka so cararey Abaarha ka jira Guud ahaan Dalka gaar ahaan gobolka shabeelada hoose sida Qoryooley iyo deegaanada ku hareereysan, waxaana Dadkaas ka muuqdey diiftii abaaraha ay ku reebtay.

Intii ay socotey qaybinta raashinkaas iyo Bacaha ayaa waxaa dadkii loo qaybiyey la hadley Masuuliyiin ka tirsan Hayada HARO gaar ahaan Xafiiska Muqdisho waxay sheegeen in Gargaarkaan ay soo dhibeen Soomali Community in USA iyagoo u wakiishay qaybinta gargaarkaas Hay’adda HARO waxayna ugu tala galeen Bulshada Somaaliyeed ay saameeyeen
Abaaraha.

Dadkii ka faaiideystey gargaarkaan ayaa u mahadceliyey dhamaan intii soo dhiibtey iyo Hay’ada Qaybisey ee HARO waxayna Ilaah uga baryeen in uu ugu badelo mid ka Khayr badan

Hayada HARO ayaa ka mid aha Hay’adaha fara ku tiriska ee u soo gurmadey Umadda Soomaaliyeed ee ay abaaraha saameeyeen , waxayna Waqtiyadaan dambe ay gobolada dalka ka wadeen howlo ay bulshada ugu gargaarayaan, waxayna Masuuliyiinta hayada HARO ay sheegeen in gargaarka noocaan ah ay sii wadayaan waxayna Ilaah uga baryeen ummadda Sooaaliyeed in uu dhibaatada ka dulqaado