4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 11, 2017
Guterres: “Soomaaliya waxaa ay u baahantahay $900 million oo dollar oo wax looga qabto Abaaraha”

 
Khamiis, May, 11, 2017 (HOL)- Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, ayaa sheegay in loo baahanyahay $900 million oo dollar oo dheeraad ah sanadkan, si loo kordhiyo kaalmada bani’aadanimadda ee dalka Soomaaliya.

"Saaka waxaan soo bandhigay qorshaha dib loogu eegayo jawaabta bani'aadamnimada, waxaan raadineynaa$900 million oo dollar, dhamaadka sanadkan, si jawaab looga bixiyo abaaraha ku dhuftay dalka Soomaaliya”, sidaasi waxaa yiri Guterres.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, ayaa hadalkaasi ka sheegay shirka maanta ka socda magaalladda London ee looga hadlayo arrimaha dalka Soomaaliya.

Natiijadda abaaraha dalka Soomaaliya ee sanadkan, ayaa waxaa ay dhalisay in ay adkaato helista biyo la cabo iyo caafimaad, waxaana u dheeraa dadka abaaraha ay saameyeen cudurro ay kamid yihiin shuban biyoodka.

Horaantii sanadkan, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmajo, ayaa ku dhawaaqay xaalad Musiibo Qaran, si wax looga qabto arrimaha bani’aadannimo ee ka jira dhammaan goobaha ay abaaraha saameeyeen ee dalka Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweynaha uu Bulshada Caalamka ka codsaday inay si deg deg ah uga jawaabaan musiibadan, si loo caawiyo qoysaska iyo shaqisyaadka ay abaaruhu saameeyeen. 

Kulan hal maalin ah oo ay soo qaban-qaabiyeen dowladdaha Ingiriiska, Soomaaliya iyo QM, ayaa ujeedkiisa waxaa uu yahay sidii loo caawin lahaa Soomaaliya, waxaana qodobada shirka looga hadlayo kamid ah, ammaanka, dhaqaallaha, Hormarka iyo abuuridda kaalmooyin bani’aadanimo.

Shirka ayaa la filayaa in maanta si rasmi ah loo soo xiro. 

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia