4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 11, 2017
Ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo shirka London ka dhax sheegay howlgal ka socda gobolka Hiiraan

 

Khamiis, May, 11, 2017 (HOL) - Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa shirka London ka dhax sheegay in Soomaaliya u baahan tahay sida uu hadalka u dhigay in laga caawiyo dhinacyada, dhaqaalaha, hormarka, ciidamada iyo siddii shaqo abuur loo sameyn lahaa.

Mar uu ka hadlayay dhinaca howlgalka ciidamada midowga Africa ee AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dalka Itoobiya ayuu sheegay in waqtigan ciidamada Itoobiya kula dagaalamayaan gobolka Hiiraan xoogagga Al-shabaab.

‘’Xiligan ciidamada Itoobiya iyo kuwa Soomaaliya oo isku dhinac ah ayaa howlgal ka wada deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan oo ay kula dagaalamayaan Al-shabaab’’ ayuu yiri ra’iisal wasaare Desalegn.

Waxaa uu sheegay ra’iisal wasaaraha in dhiigooda u daadinayaan sidii ay Soomaaliya u gaari laheyd hormar, waan tan keentay ayuu yiri in xiligan ciidamada Itoobiya oo kaashanaya kuwa Soomaaliya howlgal ka sameeyaan gobolka Hiiraan gaar ahaan deegaanka Halgan.

Ra’iisal wasaaraha ayaa wada jir uga codsaday dowladda dhexe iyo kuwa maamul gobolleedyada in la hergaliyo qorshayaasha iyo dhamaanba heshiisyada lagu gaaro shirka London.

Ciidamada Itoobiya ayaa saldhig ballaaran ku leh gobolka Hiiraan, sidoo kalana waxaa ay howlgalo ka dhan ah Al-shabaab ka fuliyaan deegaanno ka tirsan gobolka, iyaga oo dhawaan la wareegay gacan ku heynta deegaanka Halgan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]