4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 11, 2017
Munaasabad looga hadlayay Waxqabadka Ururka Bisha Cas oo lagu qabtay Muqdisho (SAWIRRO)
Khamiis, May, 11, 2017 (HOL)-Munaasabad looga hadlaayay waxqabadka ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed, taas oo la qabto sanadka walba 08-da bisha May, ayaa lagu qabtay xarunta Bisha Cas ee Muqdisho, waxaana soo qaban-qaabiyay xafiiska isku-duwidda hawlaha Ururka.


Waxaa munaasabaddan ayaa waxaa ka qayb-galay qaar ka mid ah  Mas’uuliyiinta Jaamacaddaha Muqdisho, odayaal-dhaqameed, shirkadaha isgaarsiinta, dhakhaatiir ka socotay isbitaalada Muqdisho, shaqaalaha Ururka iyo marti-sharaf kale.

Farxaan Yaxye oo ah Agaasimaha guud ee Barnaamijyadda Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed oo munaasabadda ka hadlay, ayaa sheegay in Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed uu yahay Urur heer Qaran ah, isla markaana lagu dhisay wareegto Madaxweyne oo soo baxday sannadkii 1963-kii.

Sidoo kale, Farxaan ayaa xusay in Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed uu u adeego Bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka taagta daran ee u baahan in la caawiyo.

“Ururka Bisha Cas waa dhexdhexaad, cadaalad ku dhisan, bulshadu u siman tahay una gargaara kuwooda taagta daran iyo kuwa u baahan saacidaadda,” ayuu yiri Mr. Farxaan, isagoo tilmaamay in shaqooyinka ugu badan ee ay qabteen ay yihiin kuwa caafimaadka , isagoona xusay inay gargaar caafimaad gaarsiiyaan dadka ku nool meelaha aysan dowladda iyo hay’adaha kale tegi karin.

Dhanka kale, Agaasimaha guud ee Barnaamijyadda Ururka Bisha Cas ayaa ugu dambeyntii sheegay in Ururka uu kusoo shaqeeyay Marxalad adag xilliyadii bur-burka, isla markaana ay sii wadi doonaan shaqooyinka ay u hayaan ummadda Soomaaliyeed.

Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed ayaa bixiya adeeg u badan caafimaad, waxaana hawlaha ururka si weyn loo dareemay xilliyadii dagaaladii sokeeye markaas oo ay burbureeen hay’adihii Qaran ee ay Soomaaliya lahayd, dalkuna uu galay dagaallo sokeeye.  

Hiiraan Online News Desk