4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 11, 2017
Xukuumadda Somaliland oo shir Jaamacadaha uga frumay Burco ka hor joogsatay Jaamacado ka socda Soomaaliya

 

Khamiis,May,11, 2017 (HOL)- xukuumadda Somaliland ayaa joojisay shir magaaladda Burco uga qabsoomay jaamacadaha Somaliland iyo Soomaaliya, taas oo ay sheegeen inay xubnaha ka socda Soomaaliya dalka dib looga celinayo.

Xukuumada ayaa sheegtay in Jaamacadaha Somaliland loo ogol yahay shirka balse Jaamacadaha kale ee ka socda Soomaaliya ayaan loo ogolayn.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Somaliland Cabdillaahi Ibraahim Habbane ayaa sheegay in sababta ay shirkan u joojiyeen ay tahay jaamacadaha Soomaaliya ee ka qayb-galayay shirka, maadaama dawladda Madaxweyne Farmaajo ay bilowday cadaawad siyaasadeed, taas ayaa keentay in shirkaasi la joojiyo.

“Sanadkii labaad ee wadanka lagu qabto ayey ahayd, sanadkan Burco tidhi anaga qabanayna,haseyeeshee nimankii Soomaaliya intii dawladii Farmaajo timid dardar cusub iyo cadaawad hor leh ayuu bilaabay, gaaladdu inan yar 18 jir ah ayey yidhaahdaan way madax banaan tahay, umad dhan buu leeyahay ma madax banaanaan kartaan, way ku dacwoodeen oo xaasidnimo dheeraad ah ayey la yimaadeen, sidaas ayaanu u joojinay”ayuu yidhi Habane wasiirka waxbarashadda Somaliland.

Wasiirku waxa uu sheegay in shirku caadi u soconayo oo loo ogol yahay in jaamacadaha Somaliland uun ka qaybgalaan shirkaasi, waxaanu yidhi “shirkan lama xidhayo ee jaamacadaheena waanu u wadaynaa laakiin kuwa Soomaaliya waanu dhoofinaynaa, haddii ururka midowga Carabta Muqdisho u tagayaan iyagay jirtaa, laakiin halkan waxba looguma qabanayo”

Wasiirku waxa kale uu sheegay in xubnihii ka socday jaamacadaha Soomaaliya ee shirkan ka qayb-galayay loo mustaafurin doono dhinaca magaalada Muqdisho.

Madaxa xidhiidhka dadweynaha ee Jaamacadda Burco Axmed Muuse Ismaciil ayaa sheegay in shirkan ay ka qaybgalayeen 35 jaamacadood oo intoodda badan yihiin reer Somaliland marka laga reebo dhawr jaamacadood oo Soomaaliya ka socda, waxaanu sheegay in shirkani ahaa mid lagu tayeynayo macalimaiinta jaamacadaha wadanka, haseyeeshee xukuumaddu ay joojisay.

madaxa xidhiidhka daweynaha ee Jaamacadda Burco Axmed Muuse oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “waxa maanta ahayd in lagu qabto tobabar lagu tayeynay tacliinta sare oo lagu marti qaaday 35 jaamacdaood oo Somaliland u badan yihiin oo ay ku jiraan dhawr jaamacaded oo dalka Soomaaliya ah, wax siyaasad ahi kuma jirin waxa laga hadlay sidii tayeynta waxbarashada kor loogu qaadi lahaa, waxaana qabtay jaamacadaha midowga Jaamacadda Carabta oo aanu ka mid nahay, waxaana fulinaynay Jaamacadda Burco,”.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa isna ceeb iyo dhego xumo ku tilmaamay in shirka Jaamacadaha la joojiyo,isla markaana loo diido jaamacadaha SOomaaliya ka soo qaybgalaya, waxaanu yidhi “waxaan saaka u mid farxad ayey ahayd in aan kalmad ka yidhaahdo shirkan tacliinta ku saabsan, waxaan kala kulmay wax aanan filayn, tiiyo la yidhi jaamacadihii ka yimid Soomaaliya kama qaybgalayaan waana ka xunahay tacsina waan ka siinaya reer Burco, wax siyaasad ah may ahayn”

Sanadkii hore ayaa shirkan oo kale ka furmay magaaladda Hargeysa waxaan ka ka soo wada qaybgallay Jaamacadaha Somaliland iyo Soomaaliya, waxaana maalgalinayey midowga Jaamacadaha Carabta, haseyeeshee doorkan ayey xukuumaddu ka hor joogsatay jaamacadaha ka socda Soomaaliya sababo siyaasadeed awgeed.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.