Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dowladdiisa ay la dagaalameyso saddex cadaw
Khamiis, May, 11, 2017 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad
dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay furitaanka shirka London, ayaa sheegay in
dowladdiisa ay la dagaalameyso sida uu hadalka u dhigay saddex cadaw.
Shirka London oo ah mid heerkiisa uu sareeyo ayuu madaxweynaha marka hore u
mahad celiyay dowladda Britain ee shirkan martigalisay iyo dhamaanba wakiilada
beesha caalamka ee shirka jooga, isaga oo ku tilmaamay shirkan uu ku soo
beegmay xili Soomaalida ay ka go’an tahay in aysan dib u laaban.
Waxa uu sheegay in dowladdiisa ay ka dhabeyn doonto la dagaalanka saddexda
cadow ee Soomaaliya ay leedahay, oo kala ah ayuu yiri “argagixisada,
musuq-maasuqa iyo saboolnimada”.
Madaxweynaha ayaa dalbaday si dib u dhis loogu sameeyo ciidamada xoogga
dalka Soomaaliyeed loo baahan yahay caalamku in uu cunaqabateynta hubka ka qaado
Soomaaliya oo mudo dheer saaran.
Waxaa uu intaa ku darray in ay ka shaqeyn doonaan sidii loo maareyn lahaa
hubka hadii laga qaado cunaqabateynta, waxaa uuna ka codsaday dowladaha
saaxibada la ah Soomaaliya iyo golaha ammaanka ay ka wada shaqeeyaan qorshe
dhameystiran oo cunaqabateynta hubka looga qaadayo Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa khudbadisa ku dheeraaday ka hadalka arimo kale
oo muhiim ah , gaar halka ay Soomaaliya mareyso marka loo eego sanadihii aynu
soo dhaafnay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]