Madaxweynaha Jubbaland oo sheegay in uusan aaminsaneyn nidaamka federaalisamka [Daawo]
Khamiis, May, 11, 2017 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed
Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa isaga oo ku sugan magaalada London sheegay
in uusan aaminsaneyn nidaamka federaalisamka iyo in Soomaaliya ay yeellato
madaxweynayaal farro badan.
Hadalkan ayuu ka hor sheegay Axmed Madoobe kulan xalay madaxda Soomaalida ay
la qaateen Jaaliyada Soomaaliyeed ee UK, waxaana kulanka sidoo kale joogay
madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada, Puntland, Koonfur galbeed, Hirshabeelle
iyo Galmudug.
‘’Waxaa laga hadlaa inta badan State-yo iyo madaxweyneyaal faro badan, Aniga
shaqsiyan waxaan ahay dadka aan rumeysneyn Fadaraalisamka, ‘’ ayuu yiri madaxweyne
Axmed Madoobe.
Hasse ahaatee in nidaamkan la qaato ayuu ku tilmaamay arin ay daruuf
keentay, balse aysan ku qanacsaneyn Soomaalida in dalka uu yeesho
madaxweynayaal farro badan.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in Soomaalida aysan micno badan u sameyneynin
shirarka hadba lagu qabanyo wadamada shisheeye, hasse ahaatee sida uu hadalka u
dhigay waxa micnaha badan sameynaya tahay waxa Soomaalida dhaxdeeda la timaado.
Waxaa uu ugu danbeyntii, sheegay in Soomaalida ay ka gudbin doonto nidaamkan
iyo madaxweynayaasha tirada badan, isaga oo Jaaliyada Soomaalida kula
dardaaramay in arintaa ay ka wada shaqeeyaan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]