4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 11, 2017
Shirka London oo si rasmi ah goor dhaw u furmay

 

Khamiis, May, 11, 2017 (HOL) - Waxaa goor dhaw si rasmi ah uga furmay Aqalka Lancaster House ee magaalada London shirka Soomaaliya iyo Beesha caalamka oo ay martigalisay dowladda Britain.

Shirkan ayaa waxaa ka qaybgalaya hoggaamiyeyaasha caalamka, waxayna ujeedadu tahay in laga wada arrinsado sidii loo kordhin lahaa gargaarka bani'aadannimo iyo sidii horumar looga gaari lahaa arrimaha ammaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay furtaanka shirka. Madaxweyne Farmajo waxa uu sheegay in markii uu xilka qabtay uu muhiimadda koobaad siiyay sidii wax looga qaban lahaa xalaadda abaarta ee dalka si looga hortago in ay dhacdo xaaladdii sanadkii 2011kii.

Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay hoggaamiyeyaasha caalamka iyo qurbo joogta Soomaaliyeed oo uu sheegay in ay ka jawaabeen baaqii dowladdiisa ee ahaa in gargaar lala soo gaaro shacabka ay abaartu ku habsatay.

Sidoo kale madaxweyne Farmaajo ayaa khubadiisa ku sheegay in abaaraha dalka ka jira ay barakiciyeen ilaa 600,000 oo qof tan iyo bishii Nofembar ee 2016, wuxuuna ugu baaqay caalamka in laga hortago in dalka ay ka dhacdo xaalad bani'aadanimo iyo sidoo kale in diiradda la saaro sidii looga soo kaban lahaa abaarta.

Hoggaamiyeyaasha caalamka ee ka qaybgalaya shirka ayaa waxaa ka mid ah ra'iisal wasaaraha Britain, Theresa May, xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres iyo madax kale.

Shirkan ayay ujeeddadu tahay in lagu heshiiyo qorshe lagu tababarayo ciidammo Soomaaliyeed oo badala ciidamada midowga Afrika ee hadda dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Dowladda Britain ayaa sidoo kale sheegtay in ay ka go'antahay in ay ka hortagto in Soomaaliya ay macaluul ka dhacdo, ayna ku baaqeyso in la kordhiyo kaalmada bani'aadanimo ee Soomaaliya.

Wixii ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa…

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]