4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 11, 2017
Wiil 11 jir ah oo u dhintay qarax ka dhashay Bam uu garaacay deegaanka Booco ee gobolka Hiiraan

 

Khamiis, May, 11, 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka Booco ee gobolka Hiiraan wiil 11 jir ah ayaa lagu waramayaa in gallinkii danbe ee maalintii shalay uu u geeriyooday qarax ka dhashay Bam uu gargaraacay ama ku cayaarayay, xili sida la sheegay isaga iyo carruur kale ay xoolo ku ilaalinayeen meel ka yara baxsan tuullaada.

Sidoo kale qaraxa ka dhashay Bamka ayaa waxaa ku dhaawacmay qof dumar ah iyo mid kale oo ka mid ahaa carruurtii goobta ka agdhaweyd, kuwaa oo hadda xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne oo la soo gaarsiiyay.

Deegaanka Booco oo qiyaastii 45km dhinaca Koonfur uga beegan magaalada Beledweyne waxaa maamula xoogagga Al-shabaab, lamana oga sida Bamkan uu ku hellay ilamaha yar ee dhintay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]