4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 11, 2017
Masar iyo Jaamacadda Carrabta oo ka qayb galaya shirka London ee Soomaaliya

 
Khamiis, May, 11, 2017 (HOL)- Ra'iisul Wasaaraha Jamhuuriyada Masar Sharif Ismaaciil, ayaa maanta gaaray magaalladda London, si uu uga qeyb-galo shirka London Somali conference ee halkaasi maanta ka furmaya.

Wafdiga Shariif Ismaaciil, ayaa waxaa la socda xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Ahmed Aboul Gheit, sida warbaahinta dalka Masar ay saaka sheegeen.

“Waa in la ogaadaa muhiimada ay leedahay ka qaybgalka Masar ee shirka iyo doorka Masar ay ka ciyaareyso gobollada Afrika marka la eego xoojinta iskaashiga dalalka Qaarada iyo xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Masar iyo  Soomaaliya”,  sidaasi waxaa lagu yiri war kasoo baxay dowladda Masar. 

Sida ay qortay jariidada Al Masriyoon Al Youm,  shirka wuxuu ka kooban yahay kulamo loogu talagalay taageeradda amniga qaranka Soomaaliya, jawiga loo baahan yahay iyo in ahmiyad weyn la siiyo dhinaca dardar gelinta kabashada dhaqaallaha, iyo dib-u-eegista iskaashiga dhinaca horumarka.

Dhinaca kale waxaa la qorshaynayaa in laga soo saaro shirka war murtiyeed qoraal oo wadajir ah, oo ay ku jiraan heshiisyo cusub oo ah xaqiijinta loo baahan yahay ee dib-u-dhiska khayraadka Soomaaliya.

“Waa in la caawiyaan wadankan walaalaheen ah oo lagu taageero awoodaha ammaanka iyo horumarka, iyada oo la ogyahay in caqabado ay hadda ka jiraan gobolka, gaar ahaan ifafaalaha burcad-Badeedda iyo argagixisada caalamiga ah”, sidaasi waxaa yiri dowladda Masar.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaaraha dalka Ingriska Tharesa May ayaa maanta si wada jir ah u wada shir guddoomin doona shir weynaha London.

Shirka maanta furmaya waxaa diirada lagu saari doonaa, Dib-uhabeynta siyaasadda iyo dowladnimada, Ammaanka, Hormarinta dhaqaallaha iyo Heshiisyo cusub.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia