4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 11, 2017
Theresa May oo olalaheedii doorashada uga fadhiisatay shirka London

 

Khamiis, May, 11, 2017 (HOL) - In ka badan 40 dowlladood iyo tiro kale oo intaa ka sii badan oo hay’addo caalami ah ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ku kulmaan shirka Soomaaliya iyo beesha caalamka ee ka furmaya magaalada London ee dalka Britain.

Waxey aheyd arin dhif iyo naadir ah in ra’iisal wasaaraha UK hakad geliso ololaha doorashada oo ay diirada saarto arrimo la xiriira caalamka.

Balse maanta Theresa May waxay marti gelinaysaa shirka caalamiga ah ee Soomaaliya kaas oo ay ku rajo weyntahay in Britain ay hormuud ka noqon doonto arimaha dunida ka bixidii Ingiriiska ee Midowga Yurub ka dib.

 

Dowladda UK ayaa waxay durbadiiba balanqaaday in 70 ka mid ah cidamadeeda u diri doonto Soomaalia iyo 21 Milyan oo Gini oo deeq ah si sare loogu qaado ammniga Soomaaliya.

Hasse ahaate Mrs May iyo hogaamiyeyaasha kale ee caalamka ayaa aamminsan in dadaal dheraad ah loo baahanyahay si taageerada dowladda Soomaaliya loo dardar geliyo.

Waxaa la filaya in ay ku heshiiyaan qorshe lagu tababari doono ciidamo dheeraad oo Soomaali ah oo bedeli doona ciidamada Midowga Africa ee hadda la dagaalamaya kooxda Al-Shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]