4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 11, 2017
Madaxweynaha Turkiga oo la kulmaya dhigiisa dalka Mareykanka Donald Trump

 Khamiis, May, 11, 2017 (HOL) - Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay inuu kala hadli doono dhigiisa dalka Mareykanka Donald Trump go’aanka ay dawladda Mareykanka ku qalabeyneyso malleeshiyaadka Kurdiyiinta Suuriya, marka ay ku kulmaan magaaladan Washington todobaadka soo socda.

Erdogan waxaa uu sheegay in dagaal ka dhan ah koox argagixisa ah aysan qaadi karin koox kale oo argagixisa ah.tallaabadaasi wuxuu ku tilmaamay mid khatar gelin karta mustaqbalka Suuriya iyo gobolkaba.

Kooxda Kurdiyiinta Suuriya ee loo soo gaabiyo YPG ayuu Mareykanku u aqoonsanyahay tan ugu waxtarka badan marka ay timaado kooxaha ku sugan Suuriya ee la dagaalamaya kooxda Daacish.

Hase yeeshee Turkiga ayaa u tixgeliya PKG in ay tahay koox argagixisa ah oo ka bar-bar dagaalanta fallaagada Kurdiyiinta PKK.

Madaxweyne Erdogan ayaa booqasho ku imaan doona magaaldan Washington todobaadka soo socda, booqashadan ayaa loo arkaa tan ugu muhiimsan kadib guushii uu kasoo hooyey aftidi muranka dhalisay ee awoodaha u kordhisay ee dalkaasi ka dhacday 16-kii April.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]