4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 11, 2017
Al Shabaab oo weeraray kolonyo ay la socdeen ciidanka dowladda Kenya

 
Khamiis, May, 11, 2017 (HOL)- Kolonyo ay la socdeen ciidamada dowladda Kenya ayaa la kulmay weerar, iyaga oo maraya degaanka Hoosingow ee Gobolka Jubbada Hoose, sida dadka degaanka ay sheegeen.

Weerarka ayaa waxaa fuliyay dagaalyahannada Al Shabaab, lamana oga khasaaraha ka dhashay weerarka gaadmada ahaa.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in dagaal xooggan uu dhex maray Al Shabaab iyo ciidanka dowladda Kenya ee weerarka lagu qaaday.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa u sheegay Hiiraan Online in Kolonyada la weeraray ay kasoo tageen degmadda Dhoobleey.

Ma jirto war kasoo baxay dowladda Kenya oo ku aadan dagaalka iyo khasaaraha ka dhashay.

Maamulka Jubbaland ee Soomaaliya wali kama uusan hadlin dagaalka Al shabaab iyo ciidanka dowaldda Kenya ku dhexmaray degaanka Hoosingow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Kenya ayaa inta badan qaraxyo lagula eegtaa degaannada Jubbooyinka oo ay ka wadaan howlgallo ka dhan ah Al Shabaab.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia