4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 11, 2017
Tharesa May iyo Farmaajo oo maanta shir-guddoomin doona Shirka London

 
Khamiis, May, 11, 2017 (HOL)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaaraha dalka Ingriska Tharesa May ayaa maanta si wada jir ah u wada shir guddoomin doona shir weynaha London.

Shirka maanta furmaya waxaa diirada lagu saari doonaa, Dib-uhabeynta siyaasadda iyo dowladnimada, Ammaanka, Hormarinta dhaqaallaha iyo Heshiisyo cusub.

Dhinaca kale Magaalladda London waxaa shalay ka dhacay shirar dhowr ah oo horudhac u ah shirka arrimaha Soomaaliya ee maanta halkaasi ka furmaya.

Kulan shalay ka dhacay London waxaa ka qeyb-gallay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, xubno ka socday bulshada rayidka, qurbo joog iyo wakiil ka tirsan beesha caalamka.

Shirka ayaa looga hadlay doorka qurba joogta ee ku aadan dib-u-dhiska dalka, kobcinta dhaqaallaha iyo arrimo kale.

Khudbado kala duwan waxaa shirka ka jeediyay qurbo joog ka kala yimid Yurub iyo Ameerica oo ka hadlayay kaalinta qurba-joogta ee labaatankii sano ee la soo dhaafay.

“Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya wey ka war qabtaa kaalmada qurba joogta iyo dadka Soomaaliyeed”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia