4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 10, 2017
Dowladda Soomaaliya oo xabsiga dhigtay 11 askari oo isbaaro dhigtay

 

Arbaco, May, 10, 2017 (HOL) – Kaddib booqashdii dhawaan uu ku tagay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo degmada Afgooye, saraakiisha ciidamada dowladda ayaa qaaday tallaabooyin lagu soo afjarayo Isbaarooyinka sharci darrada ay ee yaala gobolka Shabeellaha hoose.

Gen C/llaahi Cali Caanood abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in la qaaday isbaarooyinkii yaalay waddada dheer ee isku xirta degmada Afgooye, Bariire, No 50 iyo deegaano dhowr ah oo ku xeeran, islamarkaana la xiray askartii isbaaradu u taalay.

“Kaddib, amarkii uu bixiyey madaxweynaha DF ee ahaa in la qaado isbaarooyinka, waxaan xirnay 11 askari oo la qabtay iyagoo isbaaro u taalo, waxaa cadaynayaa askariga Isbaarada dhigta iyo sarkaalka xukuma in ay isku mid ay yihiin’’ ayuu yiri Gen. Caanood.

“Waxaa qaadeynaa howlgallo ballaaran oo lagu furayo wadooyinka, gaar ahaan kuwa yaala deegaanada isku xira Shabeellaha hoose iyo gobolka Bay, sidoo kale waxaa howlgal isna wadooyinka lagu furayo laga sameynayaa deegaanada Jubbooyinka.” Ayuu raaciyey.

Abaanduulaha ayaa sheegay in ay xoojinayaan weerarada lagu bartilmaameed-sanayo maleyshiyaadka sharci darada ah ee dhiganaya Isbaarada, gaar ahaan kuwa yaalla meelaha ka fog magaalooyinka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]