4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 10, 2017
Maxkamadda degmadda Burtinle oo wiil gabar kufsaday xukun ku riday

 
Arbaco, May, 10, 2017 (HOL)- Maxkamad ku taalla degmadda Burtinle ee Gobolka Nugaal ayaa shan sano oo xarig ah ku xukuntay wiil la sheegay in uu kufsaday gabar yar.

Wiilka la xukumay ayaa waxaa magiciisa lagu sheegay Bashiir Cabdulqaadir Daahir, waxaana Maxkamadda ay ku eedeysay in uu kufsaday gabar 13 sano jir ah.

Dhegeysiga dacwada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa saraakiil ka socday maamulka Puntland ee Soomaaliya, waxaana Maxkamadda ay sheegtay in Bashiir ay ku cadahay in uu kufsaday gabadha, kadib dhegeysigii dacwada.

Dhinaca kale waxaa ay Maxkamadda ay beenisay in gabadha loo kufsaday si wadar ah.

Waalidiinta gabadha dhibanaha ah iyo marqaatiyaal ayaa ku sugnaa madasha Maxkamadda, kuwaas oo dhegeysanayay sida xukunka uu u dhacaayo.

Maxkamadda ku taalla degmadda Burtinle ee Gobolka Nugaal, ayaa dhinaca kale digniin u dirtay cid kasta oo dhib u geysata gabdhaha ama fal dambiyeed lagu helo in cadaaladda la horgeyn doono.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia