4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 10, 2017
Nabadoon maanta lagu dilay magaalladda Muqdishu


Arbaco, May, 10, 2017 (HOL)- Koox hubeysan ayaa maanta degmadda Waaberi ee gobolka Banaadir ku dilay nabadon lagu magacaabi jiray C/qaadir Xuseen, sida goobjoogayaal ay sheegeen.

Dilka nabadoonka waxaa uu ka dhacay xaafadda Ansalooti ee degmaddaasi, waxaana baxsaday kooxdii dilka geysatay.

Maxamed Ugaas C/qaadir oo ah wiilka marxuumka geeryooday ayaa sheegay in wiilal dhallinyaro ah oo ku hubeysan bastoolado ay madaxa ka toogteen Aabihiis  xilli uu ku sugnaa meel u dhow  buundada Ansalooti dhanka degmadda Waabari.

Ciidanka dowladda oo soo gaaray goobta dilka uu ka dhacay ayaa bilaabay howlgallo balse uma suuragelin in ay gacanta kusoo dhigaan kooxihii dilka geystay.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada dilka nabadoonka, balse Al shabaab ayaa inta badan sheegta mas’uuliyad dilalka ka dhacay dalka Soomaaliya.

Marxuum C/qaadir Xuseen, ayaa lagu wadaa in lagu aaso magaalladda Muqdishu, sida eheladiisa ay sheegeen.

Nabadoonnadii wax kasoo doortay xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa beegsi lagu hayay tan iyo markii ay soo dhamaadeen doorashooyinkii Aqaladda Baarlamaanka. 

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia