4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 10, 2017
Kulan looga hadlayo ganacsiga oo ka dhici doono London

 
Arbaco, May, 10, 2017 (HOL)- Shirka London Somali Conference ayaa lagu wadaa in 10-ka bishan uu ka furmo magaalladda London ee dalka Ingiriiska.

Waxaa shirka ka qeyb-galaya madaxda wadamada bariga Africa iyo hogaamiyaal kale oo lagu casuumay kulanka.

Shirka London waxaa diiradda lagu sari doonaa, Dib-uhabeynta siyaasada iyo dowladnimada, Hormarinta dhaqaallaha iyo Heshiisyo cusub, waxaana shirka dhinac socon doona kulamo gaar-gaar ah oo qaarkood looga hadlayo arrimaha ganacsiga Soomaaliya.

11-12 bishan waxaa lagu wadaa in uu dhaco kulan u dhexeeya dowladda iyo ganacsatada gaarka, waxaana wada xaajoodkaasi la sheegayaa in uu la xiriiro shirka London Somali Conference.

Maanta waxaa magaalladda London lagu wadaa in shirar gaar gaar ah ay ka dhacaan, waxaana looga hadli doonaa sida qurba joogta uga qeyb-qaadanayaan dhismaha dalka, dhaqaalaha iyo arrimo kale.

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating ayaa sheegay in ujeedada shirka London ay tahay in dowladda cusub ee Soomaaliya la siiyo fursad ay ku soo bandhigto waxyaabaha mudnaanta u leh iyo in laga wada-hadlo iskaashiga dhaxmaraya dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka.

Madaxweynayaal ay ka mid yihiin Uhuru Kenyatta iyo Erdogan ayaa lagu wadaa in ay ka qeyb-galaan shirka London.

Shirka London waxaa wada guddoomin doonaan Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres, Madaxweynaha Soomaaliya Max’ed Farmaajo, Madaxa Midowga Africa iyo ra’isal wasaaraha Ingiriiska oo ay dowladeeda shirka marti galineyso.

 

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia