4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 10, 2017
10 ruux oo cudurka shuban biyoodka ugu geeriyootay gobolka Mudug


Arbaco, May, 10, 2017 (HOL)- 10 qof ayaa cudurka shuban Biyoodka ugu geeryooday deegaanka Gelinsoor ee gobolka Mudug, sida maamulka caafimaadka ee deegaanka ay sheegeen.

Dadka ayaa la sheegay in ay geeryoodeen labadii todobaad ee lasoo dhaafay, waxaana dadka dhintay ku jira carruur iyo dad kale oo waaweyn.

Galad Cabdulle Cumar oo kamid ah saraakiisha caafimaadka ee degaanka ayaa sheegay in 10-qof ay hadda jiifaan isbitaalka, kuwaas oo la xanunsanaya cudurka.

Abaaro iyo cudurro ayaa dadka saameyn xooggan ku reebay, waxaana hadda xaruumaha caafimaadka ee deegaanka jiifa dad la il daran xanuunka cudurka Shuban biyoodka.

Bishii hore ee March, Hooyo iyo carruurteeda ayaa shuban biyood ugu geeryooday deegaanka Dhinowda ee bariga gobolka Mudug.

Guddoomiyaha deegaankaas Cismaan Cali Cilmi ayaa sheegay in dadka geeriyooday ay ahaayeen hooyo iyo labadeeda carruur.

Goboladda Mudug iyo Galgaduud ayaa waxaa fara ba’an ku haya xanuunka Shuban Biyoodka, oo aad u ragaadiyay dadka gaar ahaan carruurta.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia