4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 10, 2017
Al-shabaab iyo AMISOM oo Madaafiic isku weydaarsaday duleedka Muqdishu

 
Arbaco, May, 10, 2017 (HOL)- Al-shabaab ayaa xalay madaafiic ku weeraray saldhig ay ciidamadda AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Arbacow oo u dhow deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalladda Muqdishu.

Ciidamada AMISOM ee Madaafiicda lagu weeraray ayaa la sheegay in iyaguna ay ku Jawaabeen Madaafiic kale,  sida dadka deeganka ay sheegeen.

Lama oga khasaaraha ka dhashay madaafiicda ay labada dhinac ay is weydaarsadeen, iyadoona aysan jirin war ka soo baxay Al shabaab iyo ciidamadda Midowga Africa ee AMISOM.

Deegaanka Arbacow, waxaa saldhigyo military ku leh ciidamada AMISOM, waxaana hadda ka hor lagu weeraray Madaafiic.

Bishii April ee lasoo dhaafay Al-shabaab ayaa Madaafiic ku garacay garoonka melleteriga Balli-doogle oo saldhig ay ku leeyihiin ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaliya iyo Mareykanka.

Al shabaab ayaa sheegatay in 35 madfac lala helay gudaha garoonka Balli-doogle, inkastoo wax khasaara ah aysan ka dhalan.

Garoonkan Balli doogle ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa ah saldhig ay ka dullaan diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee drone-ka dowladda Mareykanka.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia