4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 10, 2017
Donald Trump oo shaqada ka eryay Agaasimihii FBI-da

 
Arbaco, May, 10, 2017 (HOL)- James Comey, oo ahaa agaasimihii hay’adda dambi baarista Mareykanka ee FBI, ayaa xalay saqdii dhexe shaqadda laga eryay, sida warbaahinta dalka Mareykanka ay sheegeen.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa eryay Mr Comey, waxaana uu ku eedeyey in uusan awood u laheyn in uu hay’addaasi hoggaamiyo.

James Comey, ayaa waxa uu baarayay wararka la xiriira suurta-gal-nimada in Ruushku uu xiriir la yeeshay xubno ka mid ahaa ololahihii doorashada ee Trump.

56-jirkan, ayaa 4-tii sano ee lasoo dhaafay ahaa agasimaha hay’adda FBI-dda, waxaana ceyrintiisa ay ruxday dhamaan aqalka cad ee dalka Mareykanka.

Mr Trump ayaa warqad uu u qoray Mr Comey ku sheegay in uusan awoodin in uu sii hoggaamiyo hay’adda.

Labada xisbi ee dalka Mareykanka ayaa la sheegayaa in ay layaabanyihiin go'aanka Trump. 

 

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia