4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 10, 2017
Somali iyo Kenyan looga shakiyay in ay ku biirayaan Daacish oo la qabtay

 

Arbaco, May, 10, 2017 (HOL)- Ciidamadda Police-ka dalka Kenya ayaa sheegay in la xiray Saddex nin oo Kenyan ah iyo mid kale oo Soomaali oo u safrayay dalka Libiya.

Police-ka  ayaa sheegay in afarta qof looga shakiyay in ay ku biirayaan kooxda Daacish ee dalkaasi ka dagaalanta.

Magacyada ragga ay Police-ka xireen ayaa waxaa lagu kala sheegay Said Ahmed Dabow, Adan Sheikh, Mohamed Abdi Mohamed, oo ah kenyaan iyo Abdiqani Abdishakur Shobay oo ah muwaadin Soomaali ah.

Saraakiil police ah ayaa dhinaca kale sheegay, in Afarta qof lala xiray koox kale oo la aaminsanyahay in safarka ay u fududeeynayeen.

Dalka Libiya, ayaa waxaa ka baxa Doomo macmal ah oo u safra dalalka Yurub, waxaana inta badan dhallinyarada Yurub u tahriiba ay maraan dalka Liibiya.

Hay’addaha ammaanka ayaa dhawaan sheegay in kooxda Daacish ee ku sugan dalka Liibiya ay ka faa’ideystaan dhallinyarada iyagoona ka dhaadhiciya in ay ka mid noqdaan kooxda.

29-kii bishii Marso,  Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ayaa qoray in Labo qof oo Somali-Kenya ah oo loo tababaray Dhakhtarnimo lagu dilay duqeyn ka dhacday magaalladda Sirte ee dalka Libya.

Dhakhaatiirtaasi oo lagu kala magacaabo Faarax Dagane Xasan oo 26 jir ah iyo Xiis Axmed Cali oo 25-jir ah, ayaa la sheegay inay Cilmiga Caafimaadka kaga soo qalin jebiyeen Jaamacadda ku taalla Caasimadda dalka Uganda oo lagu magacaabo  Kampala International University in Uganda.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia