4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 10, 2017
Xaaladda deegaanka Goof-gaduud oo maanta degan

 
Arbaco, May, 10, 2017 (HOL)- Dadka deegaanka ayaa Hiiraan Online u sheegay in xaaladda deegaanka Goof-gaduud ay saaka degantahay, kadib markii shalay ay ku dagaalameen Al Shabaab iyo ciidanka maamulka Koonfur-galbeed.

Goof-Gaduud oo qiyaastii 30 Km u jirta magaalladda Baydhaba ee xarunta gobolka Bay, ayaa waxaa dagaalkii ka dhacay ka dhashay khasaare lixaad leh.

Ugu yaraan 13 qof ayaa ku dhimatay, ku dhawaad 15 kalena wey ku dhaawacmeen dagaal ka. Sidoo kale ciidamo gurmad ahaa oo kuwa maamulka koonfur galbeed ka tirsan oo ku sii jeeday dagaalka ayaa iyagana la sheegay in jidka loo galay.

Al-Shabaab ayaa sheegatay iney muddo kooban qabsadeen deegaanka, ilaa 17 askarina ay ku dileen dagaalka, hase yeeshee saraakiisha maamulka Koonfur Galbeed ayaa beeniyay arrintaasi.

Degaanka hadda waxaa ku sugan ciidamadda maamulka Koonfu-galbeed.

Ganacsiga degaanka ayaa saaka xiran inkastoo dagaalka uu joogsaday, haddana waxaa taagan dhiilo colaadeed, sida dadka deegaanka ay saaka u sheegeen Hiiraan Online.

Deegaanka Goof-gaduud, ayaa waxaa dhowr jeer weerar kusoo qaaday Al Shabaab kuwaas oo isku dayaya in ay la wareegaan gacan ku heynta deegaanka, sida saraakiil ay sheegeen.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia