4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 4 , 2017
Ra’iisal Wasaare Xasan Khayre: [ 48-dii saac ee lasoo dhaafay 110 ruux ayaa abaarta ay ku dishay Goboladda Bay iyo Bakool oo keliya]

Sabti, Maarso, 04, 2017 (HOL) - Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya  Xassan Cali Khayre, oo manta markiisii ugu horeysay la kulmay guddiga gurmadka abaaraha, ayaa waxaa uu sheegay in Goboladda Bay iyo Bakool 48-dii saac ee lasoo dhaafay ay baartu ku dishay 110 ruux.

Waxaa kale oo uu sheegay 50% abaarta in ay saameeysay dhamaan dadka Soomaaliyeed, waxaana uu shacabka ka codsaday in ay taageerada walaalahooda.

“Dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan waxa maanta looga fadhiyaa in ay badbaadiyaan walaalahooda dibaateysan oo haddii aan wax lala gaarin gaajo u dhiman doona; Waxay noqon doontaa howsha xukuumaddu maalmaha soo socda mid ku wajahan abaaraha oo kaliya”ayuu yiri ra'iisal wasaare Xassan Khayre.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay xaalad Musiibo Qaran, si wax looga qabto arrimaha bani’aadannimo ee ka jira dhammaan goobaha ay abaaraha saameeyeen ee dalka Soomaaliya.

Farmaajo ayaa dhinaca kale ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed iyo qurbo-joogta inay ka qeyb galaan dadaallada looga soo kabanayo abaaraha, si loo yareeyo saameynta abaaraha ee dalka.

Dalka waxaa ka jirta xaalad adag, waxaana dadka qaar ay kasoo qaxeen deeganadooda, kuwaasoo gaaray magaalooyinka u dhow.

Hassan Istiila

[email protected]