4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 4 , 2017
Yaa sheegtay masuuliyada weerarkii manta lagu qaaday Maxkamadda Magaaladda Boosaaso?

Sabti, Maarso, 04, 2017 (HOL)- Dagaalamayaasha Xarakadda Al Shabaab ee Soomaaliya, ayaa sheegtay masuuliyada weerar loo adeegsaday Bambaanooyin oo galinkii hore ee manta oo sabti ah, lagu tuuray dhismaha Maxkamadda darajada-koowaad ee magaaladda Bosaaso.

Weerarka ayaa dhacay, iyadoo maxkamadda ay ka socotay dhageysiga dacwadaha madaniga ah ee maalin walba oo sabti ah la qaado, waxaana lagu soo waramayaa in weerarkan ay fuliyeen laba dhalinyaro ah oo markii danbe goobta ka baxsday.

Warbaahinta Al Shabaab ayaa baahiyay in weerarka ay fuliyeen koox ka tirsan Alshabaab, kuwaas oo markii dambe si nabad gelyo ah goobta uga baxsaday, sida ay hadalka u dhigeen.

Saraakiisha Al Shabaab ayaa sheegay in weerarkii manta ka dhacay magaaladda Boosaaso uu ka mid yahay weeraro ay ka fulinayaan deegaano ka mid ah Puntland.

Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Gobolka Bari oo goobta soo gaaray, ayaa howlgallo kooban ka fuliyay agagaarka maxkamadda ,lamana xaqiijin karo in ay jirto cid gaar ah oo weerarkan bambaano loo xiray.

Ugu danbayn , Magaaladda Bosaaso oo ay ku sugan-yihiin madaxda ugu saraysa Puntland ayaa amnigeeda aad loo adkeeyay maalmihii la soo dhaafay ,iyada oo ay jiraan ciidamo dheeraad ah oo habeenkii qaabilsan sugid-da amniga.

Hassan Istiila
[email protected]