Afar Qof oo ku dhaawacantay weerar Bambaano oo lagu qaaday maxkamadda darajada 1-aad ee Boosaaso
Sabti, Maarso, 04, 201 (HOL) - Ugu yaraan afar qof oo
shacab ah ayaa ku dhaawacmay Bam gacmeed maanta galinkii hore lagu tuuray
dhismaha maxkamad-da darajada koowaad ee magaalada Bosaaso sida ay sheegeen dad
goob-joogayaal ah.
Weerarkan
ayaa dhacay ,iyadoo maxkamadda ay ka socotay dhagaysiga dacwadaha madaniga ah
ee maalin walba oo sabti ah la qaado ,waxaana lagu soo waramayaa in weerarkan
ay fuliyeen laba dhalinyaro ah oo markii danbe goobta ka baxsday.
Dadka
ku dhaawacmay ayaa loo qaaday isbitaalka weyn ee magaalada Bosaaso , mana jirin
cid ka tirsan maamulka maxkamad-da oo weerarkan ay waxyeelo ka soo gaartay
,kaasi oo laga maqlay qaybo kamid ah suuqa weyn ee Bosaaso.
Ciidamo
ka tirsan kuwa amniga gobolka Bari oo goobta soo gaaray ayaa howl-galo kooban ka
fuliyay agagaarka maxkamad-da ,lamana xaqiijin karo in ay jirto cid gaar ah oo
weerarkan bambaano loo xiray.
Ugu
danbayn , Magaalada Bosaaso oo ay ku sugan-yihiin madaxda ugu saraysa Puntland
ayaa amnigeeda aad loo adkeeyay maalmihii la soo dhaafay ,iyada oo ay jiraan
ciidamo dheeraad ah oo habeenkii qaabilsan sugid-da amniga.
Hiiraan Online News Desk