4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 4 , 2017
Ugaas Xassan Ugaas Khaliif oo soo gaaray magaalada Muqdisho

  Sabti, Maarso, 04, 2017 (HOL) – Ugaas Xassan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo ka mid ah duubabka dhaqanka ugu waaweyn Soomaaliya ayaa goor dhaw oo maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho.

Ugaaska ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin kala duwan oo iyo xubno ka tirsan qeybaha bulshada.

Lama oga ujeedada rasmiga ah ee socdalka Ugaaska, hasse ahaatee warar kala duwan oo soo baxaya ayaa sheegaya in imaashaha Ugaaska la xiriirto la kulanka madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha si uu qeyb uga noqdo wada tashiyada lala yeelanayo odayaasha dhaqanka.


Waxaa lagu wadaa in Ugaaska kulamo la qaato xildhibaanada iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolka Hiiraan, sidoo kale waxaa la filayaa inuu la kulmo duubabka dhaqanka ee Muqdisho ku sugan.

Ugu danbeyntii, madaxda dowladda ayaa maalmihii u dambeeyay Muqdisho ka waday wada tashiyada ku aadan dhismaha golaha Wasiirada cusub oo dhowaan lagu wado inuu ku dhawaaqo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]